Ururka Kawsar Ee Waxbarida Haweenka & Kaalmada Dadka Tabaalaysan (Masawiro)

April 29, 2015 - Written by Editor

20150428_091706Boosaaso:-Alminhaaj qaybta gobalka bari ayaa manta soo xirtay dugsiyadii dumarka ee ay magaalada boosaso waxka bari jireen , xafladaan ayaa maanta waxaa lagu soo bandhigay waxbarashada hoostagta Ururka Kawsar Ee Waxbarida Haweenka & Kaalmada Dadka Tabaalaysan ee raacsan Mu’asasada Alminhaaj ugu horayn waxaa xaflada lagu furay Qur’aanka , kadib waxaa warbixin soo jeedisay gudoomisada Ururka Kawsar Drs: Nadiifo Cabdiraxmaan Maxamed waxaana hadalkeedii ka mid ahaa : (waxaan haynaa 17 dugsi oo dumar keliya waxku bartaan waxaana barnaa qur’aanka akhrinta iyo qorida , xisaab ta , soomaaliga iyo barashada Diinta qaybaheeda kala duwan iyo farsamada gacanta , waxaan haynaa 1097 arday oo maanta aan xaflada gabagabada u qabanay ,waxaana ka hawl gala 38 barayaal ,sanadkaan waxaan u qabanay 544 wacyi gelin ah , 832 dersi , 3 taba bar oo ay ka faa’idaysteen 900 oo gabdhood , waxaan kaloo ka qabanay dhanka mashariicda u gargaarida dadka tabaalaysan, waxaan daabacnay boorarkii ku ajiibnay nabi allaw NNKH , Ciidsiinta agoomaha , waxaan ka qayb qaadanay Nabadaynta walaalaha dirirtu ku dhex martay Gobolka Karkaar iyo Bari ),,,,,

Ugu danbayntii waxay u mahad naqday dkakhtarad Nadiifo dhamaan cidii kaalin ku lahayd qabsoomida hawshaan oo ay ugu horayso macalimiinta , hawl wadeenka ururka kawsar iyo alminhaaj .

Intaas ka dib waxaa madasha ka hadlay Sh cismaan Max’uud X Dirir Madaxa Xafiiska Dacwada Ee Mu’asasada Alminhaaj wuxuuna sheegay shiikhu inuu ka midyahay gudiga u gurmashada dadka kasoo qaxay dalka yaman oo ku sugan magaalada boosaso dadkaas oo ay soo degeen ilaa 3000 (sadex kun ) oo qof hadana ay xerada ku suganyihiin ilaa 600 oo qof (lix boqol) waxaana suurtawda inay dadkale yimaadaan ( hadaba waxaan ka codsanayaa gabdhaha waxkabarta dugsiyada Ururka Kawsar Ee Waxbarida Haweenka & Kaalmada Dadka Tabaalaysan ee raacsan Mu’asasada Alminhaaj inay garab istaagaan hawshaan ayna muujiyaan tabartooda una gurmadaan dadkaas walaalahood Ah ) sh cismaan ayaa yiri .

Waxaa kaloo asna xaflada ka hadlay ciise siciid maxamed gudoomiye ku xigeen Mu’asasada Alminhaaj

Mahadnaqka dib wuxuu la dardaarmay ardayda wuxuuna kula dardaarmay inay waxbarashada sii wadaan , kuna dhaqmaan waxay barteen isla markaana ay ducaad noqdaan , wuxuu kaloo la dardaarmay Maamulka kawsar oo uu kula dardaarmay inay gabdhaha baraan xirfadaha , taariikhada gabdhaha saxaabiyaadka ah , kana shaqayaan walaalayna umada , uhiilinta nabiga iyo ehelkiisa iyo waliba asxaabta nebiga NNKH .

Intii lagu guda jiray xaflada ayaa waxa ay soo bandhigeen ardayda kala duwan ee wax ka bartay dugsiyada hoos taga ururka kowzar aqoonta kala duwan ee ay barteen sida: xifdinta quraanka, xirfada dhar tolida, tafsiirka qur’aan, iyo waliba baraan bur iyo kalmada aad u qiima badan oo carabi iyo soomaali ah .

no images were found

Ugu danbayntii waxaa xaflada soo xiray Sh Max’uud Diiriye Cumar oo ah Madaxa Arimaha Bulshada Iyo Haweenka Ee Mu’asasada Alminhaaj Qaybta Gobolka Bari wuxuuna sheegay shiikhu inuu ku faraxsanyahay waxa ay soo bandhigeen Ururka Kawsar oo ah garabka Haweenka ee Alminhaaj Bari ayna abaal marin doonaan Maamulka Kawsar shaqada ay gabteen , wuxuuna sheegay inay tahay waxaani wax eebe looga mahadnaqo oo aysan haysan in badan oo umada ka midi ihi isla markaana lasii wado .

Gabagabadii xaflada ayaa waxa abaal marino kala duwan la siiyay qaar ka mid ah arday wax ka barta dugsiyada hoos taga ururka kawzar.

Musasat Al-Minhaaj
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online