Wasaaradda Arrimaha Gudaha DFS oo sheegtay in aysan wax faragelin ku heyn Shirka Gobollada Dhexe

April 29, 2015 - Written by Editor

Muqdisho3Muqdisho:-Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalku, waxaa maantay oo ay taariikhdu tahay 29/ 04/2015, ayaa soo saartay Warsaxaafadeed, ku saabsan arrin ka soo yeertay qaar ka mid ah saxiixa yaasha Shirka Maamul u sameynta Gobollada Mudug iyo Galgaduud uuna ku eedeeyey in Dowladda Federaalku faragelin ku heyso shirka isla markaasna uu ku dhaliilay in Guddiga Farsamada Maamul u sameynta Gobollada Dhexe ay ku guul dareysteen shaqadii loo igmaday.

Hadab waxaa halkaan Wasaaradda Arimaha Guduhu ku cadeynaysaa in aysan Dowladda Fedelaalku marnaba faragelin ku hayn Shirka Gobollada Dhexe, doorkeeduna uu yahay oo kaliya fududeynta qabsoomida Shirkaas iyo weliba sidii uu ku guuleysan lahaa.

Sidoo kale Wasaaraddu waxey cadeynaysaa in Guddiga Farsamada Maamul u Sameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud uu yahay mid u madax banana, awood buuxdana u leh inuu go’aan ka gaaro mas’uuliyadda loo idmaday, isla markaana u tababaran inuu guto waajibaadka loo xil saaray.

Ugu dambeyn, Wasaaraddu waxey uga digaysaa farageinta qaar musharixiinta ka mid ah ay ka hayaan shaqada Gudiga Farsamad, ayna ixtiraamaan habsami u socodka shirka, taasoo ah tan kaliya ee shirku ku najixi karo.

Wada shaqayn wacan

Agaasimiaha Xiriirka ee

Wasaaradda Arimaha Gudah

Cabdifatah Cali Xasan

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online