Wasiirada Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare DFS oo maanta booqatay Iskuulo ku yaala Muqdishu.[Masawiro]

April 7, 2015 - Written by Editor

DSC_0821Muqdisho:-In wasiiradu ay booqdaan xarumaha waxbarashada si ay da’yarta u dhiiri-geliyaan, waxay ka mid tahay tillaabooyin ka muujinaya xiriirka ka dhaxeeya siyaasiyiinta iyo bulshada quudata Aqoonta ama Bahda waxbarashada.  Mahadsanid Your Excellency Horn Drs Khadar Bashiir Cali Wasiirku waxa uu booqday Iskuulka 11 Janaayo ee Magaalada Muqdishu Somalia.

Drs Khadar Bashiir Cali Wasiirada Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa maanta booqatay Iskuulada Dowladda ee lacag la’aanta gaar ahaan Iskuulka 11 Janaayo oo ku yaalo Degmada Cabdicaziis ee Magaalada Muqdishu,
waxeyna soo indha indheysay qaabka Waxbarashada ay u socoto iyadoo si toos ah Su’aalo mid mid u weydiineysay Ardayda Fasalada ku jirtay.

Wasiirada ayaa si aad ah ugu farxday qaabka Waxbarashada ay u socoto, waxeyna booqashadeeda ku dhiira galineysay Waxbarashada Bilaashka ah ee loo simanyahay. Wasiirada ayaa sheegtay ineyn kor u qaadi doonaan tayada Iskuulada dowlada islamarkaana sanadkaan laga qaadi doono dalka oo dhan Imtixaan Qaran.

Dr Khadar Bashiir ayaa faslada Iskuulka mid mid u booqatay, waxeyna sheegtay in Ubadka Soomaaliyeed ee wax ku baranaya dalkooda sida kuwaan oo kale ay mudanyihiin in la dhiiragaliyo oo laga taageero sidii kor loogu qaadi lahaa aqoontooda.

Sidoo kale Wasiirada ayaa xustay in Wasaaradda Waxbarshada ay ka go’antahay soo nooleynta iyo xoojinta Iskuulada Dowladda si Canug waliba oo Soomaaliyeed uu u helo Waxbarsho lacag la’aan ah waayow waxey tiri Waxbarashada lacag la’aanta ah waa loo simanyahay oo malahan kala sareyn soo celinteedana dalka iyo dadka ayey faa’iido u tahay.

Ugu danbeyntii Maamulka iyo Macalimiinta Iskuulada Dowlada ayaa u mahadnaqay Wasiirada Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare booqashada ay ku tagtay Iskuulada taas oo ay ku dhiira galineyso Waxbarashada loo simanyahay ee bilaashka ah.

no images were found

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online