Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ku qaabilay Xafiiskiisa Siihayaha Safaaradda Uganda ee Soomaaliya.

April 4, 2015 - Written by Editor

IMG_1683Mogadisho:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Siihayaha Safaaradda Jamhuuriyadda Uganda ee Soomaaliya Maj. Gen. Nathan Mugisha oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada badan leh ee labada dal ka dhaxeeya .

Kulanka ayaa si gaar ah lagu falan-qeeyay horumarinta xiriirka diblomaasiyadda iyo iskaashiga ammaan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Uganda , iyadoo la ogsoon yahay in dowladda Uganda ay kaalin firfircoon oo muuqata ay ku leedahay howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ( AMISOM) oo ah howlgal loogu saldhigayo nabadda iyo deganaanshaha dalka Soomaaliya.

Dr. Abdusalam H. Omer ayaa bogaadiyay xiriirka Soomaaliya kala dhaxeeya Uganda, isagoo xusay in Soomaaliya ay ka soo kabaneyso xilliyo adag oo ay soo martay , ayna hiigsaneyso nabad , horumar dhaqaale iyo maalgashi .
Kulankani oo ay goob joog ka ahaayeen saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa ku dhammaaday jawi isfaham leh.

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online