Wasiirka G/dhiga DFS oo la kulmay Odayaasha Degmada Caabudwaaq (Masawiro)

April 5, 2015 - Written by Editor

IMG_9169Caabudwaaq:-Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalintii afaraad howlo shaqo u jooga magaalada Caabudwaaq ee Waqooyiga gobolka Galgaduud, ayaa waxa uu kulamo kala duwan la qaadanayaa qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanada Waqooyiga Galgaduud.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa ugu horeyntii la kulmay odayaasha deegaanka kuwaasoo ka kala yimid deegaanada hoostada Waqooyiga gobolka Galgaduud, wuxuuna  Wasiirku kala hadlay arrimaha nabadeynta iyo dib u heshiisiinta goboladan dhexe iyo sidii odayaasha dhaqanku qeyb libaax uga qaadan lahaayeen isku soo dhoweynta beelaha ku wada nool goboladan iyo sidii hal maamul oo mideeya dadka loogu wada sameysan lahaa.

“Dadka ku dhaqan  Gobollada dhexe waa dad walaalo ah oo weligoodba wada deganaa, hal meelna wax ku wada qeybsan jiray, waxaana loo baahan yahay in la soo celiyo walaalnimadii, iskaashigii iyo wax wada qabsigii aad caanka ku aheydeen” ayuu yiri  Wasiirka oo dhanka kale xusay in dawladda Federaalku ay ku taageereyso sidii loo gaarsiin lahaa dib u heshiisiinta gobol, degmo illaa tuulo.

“Odayaasha horteyda fadhiya waa dad leh  taariikh weyn oo dhanka halganka iyo xornimo doonkii dalka, waxaana loo baahan yahay inaad hormuud ka noqotaan dib u heshiisiinta iyo dhameynta khilaafaadka ka dhex jira dadka ku dhaqan goboladan dhexe oo iyagu ay ka go’an tahay in ay yeeshaan maamul ay ku qanacsan yihiin ” ayuu yiri  Wasiirka oo la hadlayay Odayaasha ku dhaqan deegaanada Waqooyiga Galgaduud.

no images were found

Odayaasha ayaa gabagabadii u balan qaaday  Wasiirka iyo wafdiga la socda inay garab istaagayaan kana shaqeynayaan nabadeynta iyo dib u heshiisiinta dadka ku dhaqan gobolada dhexe, si loo gaaro Soomaaliya oo dagan aayaheedana ka tashata kuna wada nool nabad iyo xasilooni.

——DHAMMAAD—

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online