Wasiirka Maaliyadda DFS Maxamed Aadan Ibraahim oo shir uga qayb galay Dalka Kuwait.

April 8, 2015 - Written by Editor

ZUR_0344 (1)Muqdisho:-Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda ee DFS, Mudane Maxamed Aadan Ibraahim (Farkeeti) ayaa  gaaray Magaalada Kuwait ee Dalka Kuwait, halkaas oo uga qeyb galay shirka  sanadlaha ah ee hay’adaha Maaliyadda wadamada  Carabta, kaas oo soconayay  muddo labo cisho ah.  Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa waxaa  Garoonka  ku soo dhoweeyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kuwait, Mudane Cabdulqaadir Amiin Sheekh iyo Masu’uuliyiin kale ee ka socday Hay’adaha Maaliyadda ee Carabta.

Shirkan oo soconayay muddo  laba cisho ah waxaa looga hadlay laba ajande oo kala ah, sidii wadamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta ay isaga kaashan lahaayeen fududaynta Canshuuraha bedeecadaha isaga goosha wadama Carabta iyo in wadamada Xubanha ka ah Jaamacadda Carabta ay is-dhaafsi Khibradeed uga sameysan lahaayeen arrimaha la xiriira Canshuuraha Badeecadaha.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Aadan Ibraahim (Farkeeti), oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in  Soomaaliya  ay horumar la taaban karo ka sameysay dhanka Maaliyadda sanadihii ugu danbeeyay, isla markaana dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta looga baahan yahay in ay ka qeyb qaataan horumarinta Adeegyada Maaliyadda ee Soomaaliya si kor loogu qaado kobaca dhaqaalaha ee dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta oo Soomaaliya ay kamid tahay.

“Waxaan dhaqan-gelinay qaab isla xisaabtanka maaliyadda oo hufan, waayo tani waxay naga saacidaysaa hagaajinta dhanka Maaliyadda oo sanadihii danbe dib usoo kabanayay, waxayna dhanka kale kalsooni weyn siinaysa deeq-bixiyeyaasha iyo shirkadaha doonaya inay maal-gashadaan Soomaaliya”ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Mudane Maxamed Aaden Ibrahim.

no images were found

Gaba-gabedii shirka ayaa waxaa la isku raacay laba arimood oo kala ah in la sii xoojiyo iskaashiga Maaliyadeed ee ka dhaxeeya Wadamada Carabta iyo sidoo kale in xubnaha ka midka ah Hay’adahaan ay kordhiyaan qoondada Maaliyadeed ee ay hadda ku deeqaan Sanduuqyada Lacagta.

—DHAMAAD—

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online