Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa kulamo gooni gooni ah la qaatay qaar ka mid ah Wasiirada Maaliyada Wadamada Carabta.[Masawiro]

April 9, 2015 - Written by Editor

1Muqdisho:-Wasiirka Maaliyadda ee DFS, Mudane Maxamed Aadan Ibraahim (Farkeeti), oo dalka Kuwait uga qayb galayay shirka sanadlaha ah ee hay’adaha Maaliyadda wadamada Carabta, ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah Wasiirada Maaliyadda Wadamada Carabta, isagoo kala hadlay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Wadamada Carabta.Sidoo kale, Wasiirka ayaa kala hadlay Wasiirada Maaliyadda ee dalalka Carabta sidii looga dhabeyn lahaa taageerada dhanka Maaliyadda ah ee ay dowladaha Carabtu ugu yaboohaan Soomaaliya, kuwaas oo intooda badan aan soo gaarin gacanta dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Kuwait oo ka mid ahaa Mas’uuliyiinta Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya la kulmay, ayaa dhankiisa balan qaaday in uu ku dadaali doono sidii loo fulin lahaa balan qaadayadaas, wuxuuna muujiyay in Soomaaliya ay mudan tahay in la garab istaago lana xoojiyo iskaashiga ay la leedahay wadamada Carabta. Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda ee Jazaa’ir ayaa isna dhankiisa muujiyay rajo wanaagsan oo ku aadan fulinta balanqaadyadaas.

Dhinaca kale, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Adan Ibraahim (Farkeeti) ayaa caawa ka qayb-galay Xaflad ay soo agaasintay Safaaradda Soomaaliya ee Kuwait oo Shahaado Sharaf lagu gudoonsiinaay Wiil Soomaaliyeed oo kaalinta Kowaad ka galay tartan Quraan akhris ah oo maanta ka dhacay Dalka Kuwait.

Tartaanka oo ay ka qayb-qaateen ilaa iyo 60 Dal ayaa waxaa nasiib u yeesha Cabdirisaaq Cabdulaahi oo ah wiil Soomaaliyeed in uu kaalin kowaad noqdo taas oo aad uga farxisay Mas’uuliyiintii ku sugnayd Dalka Kuwait. Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya ayaa Shahaado Sharafta gudoonsiyay Wiilka kaalinta kowaad galay ee Cabdirasaaq.

—DHAMMAAD—

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online