Wejiga koowaad ee shirka Tana Forum ee ka soconaya Dalka Ethiopia oo soo dhammaaday.[Masawiro]

April 18, 2015 - Written by Editor

imageAddis:-Wejiga koowaad ee shirka Madaxda afrika uga furmay Dalka Ethiopia ayaa soo dhammaaday goor dhaweyd , waxaana looga hadlay arrimo ay kamid yihiin Amniga iyo horumarinta geeska Afrika.  Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas oo marti ku ah shirka ayaa mudadii uu socday waxaa uu kulamo gooni gooni ah la qaatay madaxweyna yaasha wadamada afrika qeybtood iyo Raysal-wasaarayaal afrikaan ah oo uu ka mid ahaa Raysal-wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn.

Madaxweyne Gaas ayaa masuuliyiinta uu la kulmay kala hadlay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen horumarka iyo nabad-gelyada wanaagsan ee ka jirta Puntland, iyagoona madaxweynaha ku amaanay dadaalada horumarineed ee uu dalka ka wado.

Shirka Tana Forum ayaa ah shir sanadle ah oo sanad walba martigeliso dawladda Ethiopia waxaana maanta si rasmi ah shir kaasi u furay Ra’iisul-wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn, waxaana sidookale iyana khudbado ka jeediyey masuuliyiin kale duwan oo wadamada afrika ka socday.

Maalinta Berri ah ayaa lagu wadaa in halkaas laga sii ambaqaado shirka lana soo gebagebeeyo, madaxweyne Gaas iyo wefdiga uu hogaaminayana waxaa ay dib ugu laabanayaan marka uu shirku dhammaado magaalada Adis ababa oo uu madaxweynuhu kulamo kula qaadanayo Madaxda ugu saraysa dalka Ethiopia iyo masuuliyiin kale.

no images were found

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online