Xaflad loo dhigay Ardayda Machadka Caafimaadka ee Laascaanood laguna soo bandhgay waxqabadkii Machadka.‏[Masawiro]

April 28, 2015 - Written by Editor

13Laascaanood:-Munaasabada lagu xusayey sanad guuradii todobaad ee ka soo wareegtay xilligii la aasaasay Machadka Caafimaadka ee magaalada Laascaanood ayaa maanta waxaa lagu qabtay xarunta Machadka Caafimaadka ee Sool Institute of Heath Science (SIHS).

Munaasabadaan ayaa waxaa ka soo qayb galay Masuulyin , aqoonyahano , bahda Caafimaadka ee gobolka Sool, Culimaa’udiin waxaana lagu soo bandhigay waxqabadkii Machadka Caafimaad ka ee todobadii Sano ee uu shaqeeynayey .

Gudoomiyaha Machadka Caafimaadka Zam Ducaale Muuse kana mid ahayd dadkii dhidibada u aasaasay machadka ayaa ka warbixisay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray machadku wixii ka danbeyeye 2008-2015 .

Dhinaca kale waxaa lagu soo bandhigay munasabdan buugaag ay qoreen qaar ka mid ah ardayda wax ka barata Machadkani .

Sool Institute of Heath Science (SIHS) oo ah Machad lagu barto Cilmiga Caafimaadka ayaa la aasa aasay sanadkii Abril 28. 2008 ayna ka qalin jebiyeen boqolaal arday oo bulshada dheeftooda heleen.

Maamulaha Machadkan oo ka warbixiyay marxaladihii uu soo maray 8-dii sano ee uu jiray machadku , duruufihii kala duwanaa uu ku so shaqeeeyey machadku mudadaa.Ugu danbayntii Machadka Sool Institute ayaa hada ah xarunta cilmi baadhista arimaha caafimaadka ee gobolka Sool .

no images were found

Mawliid Isma Haradigeed
Laascaanood, Somalia

 

 

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online