Xaflad sagootin ah oo loo qabtay Ardayda Sanadkan ka qalin jabinaysa Dugsiga Sare ee Imaamu Nawawi Qardho.[Masawiro]

April 25, 2015 - Written by Editor

Qardho:-Xaflad si heersare ay u soo agaasimeen Maamulka,Macalimiinta iyo Ardayda Dugsiga Imaamu Nawawi Qardho ayaa waxaa lagu qabtay xarunta Dugsigaasi,waxaana ka soo qeybgalay Duqa Degmada Qardho Gudoonka Waxbarashada Degmada Maamulka Macalimiinta iyo Ardayda Iskuulka iyo Marti sharaf kale.

Ujeedka loo qabtay Xafladaani ayaa waxa ay aheyd sogootin loo sameenayo Ardayda sanadkaan dhamaysanaysa waxbarashda dugsiga Sare oo tiradooda gaaraysa 63 arday. Munaasabadan ayaa waxaa daahfuray duqa degmada Qardho Maxamed Siciid Ciise, Duqa ayaana dhamaan Ardayda sanadkan dhamaynaysa waxbarashada Dugsiga sare oo ah kuwa sugaya imtixaankii Shahaadiga ahaa ee sanad Dugsiyeedka 2014-2015 inay imtixaanaadka ka keenaan guulo lataaban karo sidii horayba loogu yaqiinay ardayda magaalada Qardho.

Gudoomiyaha Waxbarashada Degmada Qardho Siciid Maxamed Faahiye oo Xaflada ka hadlay ayaa ardada ku booriyay inay dadaalkooda laba laabaan isuna diyaariyaan imtixaanada dhawaan ka bilaaban doona dhamaan deegaanada Puntland haday ahaan lahaayeen kuwa shahaadiga iyo kuwa kaleba sidoo kalena ilaah uga baryay in imtixaanada ardada ay ka keenaan guul.
Maamulaha Dugsiga Imaamu Nawawi Qardho Axmed C/raxmaan (Diraac) iyo Maamula Kuxigeenka Dugsiga Axmed Maxamed Xurbe oo Xaflada ka hadlay ayaa u mahadceliyay dhamaan Marti sharaftii kasoo qaybgashay xaflada waxayna sidoo kale Hambalyo u direen Ardada iskuulka Faarujinaysa waxayna kula dardaarmeen in Imtixaanka shahaadiga ay ka keensa daan darajooyinka ugu sar sareeye iskuulka iyo macalimiintii mudada wax soo baraysayna ay u soo hoyaan guul ay ku farxaan.

Qaar kamid ah ardayda ayaa halkaa ku soo bandhigay Riwaayad ka tarjumaysa muhimada ay waxbarasshadu leedahay iyo qiimaha macalinka waxayna halkaa kasoo jeediyeen kalimado ay ku sagootinayaan Dugsiga Macalimiinta iyo Maamulka waxayna si wadajir ah ugu dhawaaqayeen ereyo ay kamid yihiin wadaacan yaa Madarasatii wadaacan wadaacan.

Gabagabadii Munaasabada ardayda waxa ay shahaado sharaf gudoonsiiyeen Maamulkii iyo Macalimiintii mudada u taagnaa sidii ay usoo gaari lahaayeen heerka ay maanta taaganyihiin waxayna iskuulka ugu deeqeen lacago lagu talagalay in lagu qabto xaflada xaflada xiritaanka dugsiga ee sanad Dugsiyeedka 2014-2015.

no images were found

Daauud Maxamed Xasan
Qardho,Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online