Xildhibaan ka tirsan Puntland oo Muqdisho lagu dilay iyo Gudoomiye Siciid Shire oo ka Tacsiyeeyey.

April 18, 2015 - Written by Editor

???????????????????????????????Garoowe:-Gudomiyaha Baarlamanka Dowladda Puntland Siciid Xasan Shire  Ayaa Ka tacsiyeeyay dilka Xildhibaan Aadan Xaaji Xuseen (Aadan Yare) Oo saaka  Lagu Dilay Magaaladda Muqdisho.

Gudomiyaha Baarlamanka Dowladda Puntland Siciid Xasan Shire  ayaa waxaa uu sheegay in uu soo gaaray dilka alaha u naxariistee xildhibaan Aadan Xaaji Xuseen (Aadan Yare) oo ka soo galay baarlamaanka Puntland gobalka Sool.

Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland ayaa tacsi gaara u diray Eheladdi iyo Qarabaddi Uu Ka geeriyooday  Xuldhibaan Aadan Yare wuxuuna alle uga baryey in uu janatul fardoos geeyo.

Dilka Loo Geystay Xildhibaan Aadan Xaaji Xuseen (Aadan Yare)  ayaa waxaa sheegtay kooxda Al-Shabaab oo dhaqan ka dhigtay leynta umada Soomaaliyeed .

Dhanka kale Madaxweyne kuxigeenka dowladda Puntland Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa tacsi u diray dhamaan ehelada iyo qaraabada Xildhibaan Aadan Xaaji Xuseen oo kamid ahaa mudnayaasha barlamaanka Puntland.

Xuldhibaan Aadan Yare  ayaa sida wararka sheegayaan wuxuu u tagay xamar howlo caafimaad waxaana lagu dilay Albaabka Hore ee Isbitalka Digfeer ee magaaladda Muqdisho.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online