Zakariye: Al-Qaacida Xiriirka Way u Jartay Al-Shabab (Dhageyso)

April 1, 2015 - Written by Editor

ZakariyeWaraysi khaas ah oo uu siiyey idaacadda VOA ayaa Zakariye Ismaaciil Xirsi uu ku sheegay in Al-Qaacida uu xiriirka ka goostay Al-Shabab.

Waraysiga ayuu ku sheegay in ururka Al-Qaacida aysan tacsi usoo dirin Al-Shabab kadib markii la dilay hoggaamiyihii hore ee ururkaas Axmed Cabdi Godane.

Zakariye Ismaaciil waxa uu sheegay in uusan filayn in Al-Shabab ay ku biiraan ururka ka dagaalama waddamada Siiriya iyo Ciraaq ee ISIS ama IS. Waxa uu sheegay inay iman karaan duruufo ku kallifa Al-Shabab inay ku biiraan balse aanu haatan filayn inay taasi dhacdo mustaqbalka dhow.

Zakariye Ismaaciil Xirsi oo wax laga weydiiyey bartilmaameedsiga hoggaamiyayaasha Al-Shabab ayaa sheegay in qaabka lagu waajahayo Al-Shabab ay u baahan tahay istiraatijiyo dhammaystiran oo oo iskugu jira qaab dhinaca diinta ah, warbaahinta iyo siyaasadda.

Waxa uu sheegay in mustaqbalka fog bartilmaameedsiga shaqsiyaadka ah uusan wax saamayn ah ku yeelan doonin Al-Shabab.

Waraysigan waxaa Zakariye la yeelatay Sahra Cabdi Axmed Hoos ka Dhageyso

Voa Somalia
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online