Madaxweynaha DFS “ Dowladda Soomaaliyeed waxay diyaar u tahay inay qabato wax walba oo ay kari karto.”

May 20, 2015 - Written by Editor

unnamed-37 (1)Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xassan Sh. Maxamuud ayaa Madaxtooyadda kulan kula qaatay guddiga bad baadinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee Dalka Yemen iyada oo ay kulanka goob joog ka ahaayeen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wasiirro Xukuumadda ka tirsan.

Guddiga oo warbixin siiyey Madaxweynaha ayaa sheegay inay wadaan dadaalo xoog leh oo loogu gurmanayo qooxootiga Soomaaliyeed ee dalka Yemen islamarkaana ummadda Soomaaliyeed loogu uruurinayo dhaqaale dadkaas lagu soo badbaadiyo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo kulanka ka hadlay ayaa u mahad-celiyey guddiga iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee ka qeyb qaadaneysa badbaadinta qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Yemen.

“ Wiil yar ee caseeya ah oo aan ognahay lacagta soo gasha ee inta hal Dollar soo galay ee yiri ha lagu kaalmeeyo dadka Soomaaliyeed ee soo laabanaya, halka dollar marka laga yimaado, dareenka uu wiil kaasi muujiyey waa wax aad iyo aad u qiimo badan” ayuu yiri Madaxweynaha.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa yiri” Dowladda Soomaaliyeed waxay diyaar u tahay inay qabato wax walba ay kari karto oo ay ka mid tahay in dhammaan shaqaalaha Dowladda ,kuwa riyidka, Ciidamadda iyo masuuliyiinta intaba ka qeyb ka qaataan badbaadinta dadka Soomaaliyeed ee soo laabanaya”.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xassan Sheekh ayaa ku baaqay in si la mid ah sida dadka Soomaaliyeed gurmad loogu fidiyo dadka u dhashay dalka Yemen ee ku soo qaxaya dalka Soomaaliya.

no images were found

Dhamaad.

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online