Madaxweyne Gaas oo kulan la qaatay Saraakil ka tirsan ciidanka Puntland oo dalka dibadiisa tababar ku soo qaatay[Masawir]

May 20, 2015 - Written by Editor

IMG_3042Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa gelinkii dambe ee maanta aqalka Madaxtooyada dawladda Puntland ee Garoowe kullan kula qaatay saraakiil ciidan oo katirsan ciidanka Puntland, kuwaasi oo dalka dibadiisa gaar ahaan Dalka Ethiopia ku soo qaatay tababar.

Saraakiishaan ciidan oo soo dhamaystay tababarka ay qaadanayen ayaa dalkooda ugu soo laabtay sidii ay dadkooda iyo dalkooda ugu faa’iideyn lahaayen cilmiga ay soo barteen.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa uga mahadceliyey dawladda Ethopia tababarka ay siisay saraakiishan ciidan oo udub dhexaad u ah ciidanka Puntland, waxaana uu kula dardaarmay in aqoonta ay soo barteen dib dalkooda ugu celiyaan.
Wajiyada Saraakiishan ayaa laga dheehan karay farxad iyo rey reyn, maadama ay fursad u heleen in dalka dibadiisa ay wax ku soo bartaan, iyagoona kalsooni buuxda ku qaba dawladda iyo shacabkooda isbadal horumarineed la imaan doona.

Saraakisha soo qaatay tababarka waxaa ay dhankooda sheegeen inay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada kor uqaadista tayada iyo waxbarida ciidanka Puntland, kana dhabeynayaan difaacida dadkooda iyo dalkooda.

Dawladda Puntland ayaa dadaal dheeri ah ugu jirta sidii guud ahaan ciidanka Puntland u heli lahaayen tababar dhamaystiran oo ay wax uga faa’iidaysanayaan dalka gudihiisa iyo dibadiisa.

Kor u qaadista tayada aqooneed ee guud ahaan ciidanka Puntland waxay qeyb ka ahayd balan qaadyadii Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxaana cad in waxbadan ay balan qaadyadiisi ka fuleen.

no images were found

DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online