Puntland oo soo bandhigtay Saraakiil ka tirsanaa Al-shabaab iyo howl galo ka socda Boosaaso.[Masawiro]

May 12, 2015 - Written by Editor

IMG_0346Boosaaso:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa sheegaya in ciidamada Birmad ee shalay soo gaaray magaalada ay howl galo lagu qabtay dad badan ka fuliyeen magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

24tii saac ee ugu dambeeyey ayaa ciidamada Birmad ee Puntland waxay gacanta ku dhigeen dhalinyaro iyo rag looga shakisan yahay in ay wax u dhimayaan amaanka magaalada Boosaaso kuwaas oo lagu xiray Saldhigyada magaalada Boosaaso.

Ciidanka howlgalada wada ayaa waxaa ay ilaa haatan qabteen dad kor u dhaafaya 200 qof kuwaas oo su,aalo la weydiinayo waxaana lagu arkayaa saaka saldhigga dhexe ee booliska ee magaalada Boosaaso dadweyne badan oo hortuban.

Taliyaha booliska Puntland Gen Maxamed Siciid Jaqanaf oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in badi dadkii hawgalka lagu soo qabtey lasii daayey, balse weli baaritaan lagu wado dhowr qof oo loo shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin kooxda Al-shabaab.

Dhanka kale Taliyaha ciidamada booliska dowladda Puntland Jen Maxamed Siciid Jaqanaf oo ay garab fadhiyaan gudoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan, duqa degmada Boosaaso Xassan Cabdalle Xassan iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Puntland ayaa waxay saxaafada u soo bandhigeen horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab kuwaas oo lagu soo qabtay howlgalo ciidanka Puntland ay ka fuliyeen buuraha Golis ee Calmadoow.

no images were found

Taliska Booliska Puntland ayaa waxaa ka mid ah magacyada horjoogayaasha Al-Shabaab ay saxaafada uu u soo bandhigeen siday sheegeen.

1-Cabdiwaajid Cali

2-Guuleed Bashi

3-Mukhtaar Cabdinuur ‘’Axmed Guray.

M_M Deeq
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online