RW ku xigeenka DFS oo maanta furay shir lagu qiimaynayey mashaariicda New Deal (Masawiro)

May 7, 2015 - Written by Editor

IMG_3059Muqdisho:-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte Qaalib, ayaa maanta furay shirka billaha ah ee looga hadlo hanaanka New Deal, waxaana shirka ka soo qayb galay xubno ka tirsan golaha Wasiirada, Maamulada ka jira dalka, qaar ka mid ah safiirrada beesha caalamka, Wakiillo matalayey midowga Yurub, iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay.

Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdiraxmaan Caynte, ayaa saxaafadda uga warbixiyey waxyaabihii looga hadalya shirka, wuxuuna sheegay in ay kamid yihiin mashaariic lagu hormarinayo dowladnimada Soomaaliya, kuwaasi oo lasoo marsiiyey khaanadaha uu leeyahay barnaamijka New Deal, waxana kamid ah mashaariicdaas kuwo lagu kobcinayo dhaqaalaha dalka iyo qaar lagu tayeynayo shaqaalaha dowladda.

“Ujeedka shirkan billaha ah wuxuu ahaa sidii horey loogu sii amba qaadi lahaa Barnaamijka New Deal. Waxaan goobta ka sheegnay sida ay nooga go’an tahay ka miro dhalinta barnaamijkan, iyadoo ay jiraan caqabado badan oo kamid tahay in wali aan la gaarin ujeedooyinkii muhim ka ah ee barnaamijka New Deal ku xusnaa, dhaliisha jirta ka sakow ujeedku maahan dowladda Soomaaliya in ay ka baxayso heshiiskii la gaaray 2013, ee waxaan rabnaa in la dar-dar gelino Hannaanka New Deal-ka” ayuu yiri Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

“Waxaan aad ugu qanacsanahay inaan isfaham buuxa la yeelano caalamka intiisa doonaysa inay gacan naga siiyaan dib-u dhiska iyo horumarka dalkeena. Waa mid aan hormuud ka nahay noona ogolaanaya inaan baahideena gudbisano, sida aan rabnana naloogu taageero,” ayuu yiri Wasiirka .

no images were found

Ugu danbeyn. Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane C/raxmaan Caynte, ayaa sheegay in ay xukuummadda Soomaaliya wado qorshe lagu dar-dar gelinayo barnaamijka New Deal, isla markaana looga faa’iideynayo dadka Soomaaliyeed. Isagoo xusay in ay shacbiga iyo dawladduba aad ugu han-weyn yihiin fa’iidada ka dhalata hannaanka New Deal.

—-DHAMAAD—
Waaxda Warfaafinta Xafiiska RW
Muqdihso, Soomaaliya
media@opm.gov.so

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online