Shirkadda Dahabshiil Group oo 30,000 oo doollar ku wareejisay gudiga gurmadka culimada Boosaaso.[Cod/Masawiro]

May 31, 2015 - Written by Editor

dahabshil-15Boosaaso:-Waxaa maanta Shirkadda Dahabshiil Group ay deeq lacageed ooo gaaraysa ilaa 30.000, oo dollar ay ku wareejisay gudiga gurmadka culimada Boosaaso ee uu gudoomiyaha u yahay Sheekh Axmed Yuusuf Daad. Gudiga gurmadka culimada Soomaaliyeed ee Boosaaso iyo maamulka sare ee Mu’ssadda Al-minhaaj ee Boosaaso ayaa ka qayb galay munaasabada lacagta deeqda ah ay ku wareejisay Shirkadda Dahabshiil Group oo ka mid ah shirkaddaha ugu waaweyn dalka Soomaaliya.

Shirkadda Dahabshiil Group ayaa waxaa ay ka mid noqotay shirakadda Soomaaliyeed ee sidda deg deg ah u soo ajibay codsigii culmada soomaaliyee ee ku nool Boosaaso gaar ahaan Sh Daahir Aw-cabdi ay u jeediyeen shirkaddaha ganacsiga iyo ganacsatad in ay gurmad gargaar ah la soo gaaraan walaalahood Soomaaliyeed ee ka soo cararay dagaalka ka socda dalka Yeman.

Madaxa Shirkadda Dahashiil Group Cali Maxamuud Xassan(Ceelaayo) oo hadlay saxaafadda ayaa waxaa uu xusay in lacagtaan deeqda ah ay ugu talo galeen in ay gurmad ugu fidiyaan walaalahood Soomaali yeed ee ka yimid dalka Yeman.

Madaxa Shirkadda Dahashiil Group Cali Ceelaayo ayaa sidoo kale sheegay in Dahabshiil Group ay ka kooban Shirkadda Isgaarsiinta Somtel,Xawaaladda Dahabshiil iyo Dahabshiil Bangiga ayna dhamaan tood isla garteen in ay caawiyaan walaalahood dhiban ee ka yimid dalka Yeman.

Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka culmada Sh.Axmed Yuusuf Daad oo isagana ka hadlay goobya ayaa waxaa uu uga mahadceliyey Shirkadda Dahabshiil Group sida wanaagsan oo ay uga qayb qaadato mar walba gurmadka iyo taakulaynta umada Soomaaliyeed wuxuun ugu duceeyey in Alle maalkooda u barakeeyo.

Ugu danbayntii ayaa waxaa hadal guubaabo iyo codsi ah waxaa soo jeediyey Sheekh Daahir Aw-cabdi oo ka mid ah culimada Soomaalyeed ee waaweyn waxaana uu Sheekhu u duceeyey Shirkadda Dahabshiil Group iyo dhamaan cid walba oo ka qayb qaadatay gurmadka walaalahood Soomaaliyeed.

Sheekh Daahir Aw-cabdi ayaa uga mahadceliey maamulka S/land in ay dib u aqbalaan in ay walaalahood soo dhaweeyaan isagoo Sheekhu uu xusay in Soomaali ay iyagu is huran yihiin oo loo baahanyahay in la isku gargaaro, Sh.Daahir Aw-Cabdi ayaa ku celiyey in dhamaan maamulada jira iyo Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaaliya ay si siman ugu gurmadaan dadka Soomaaliyeed ee ka imaanaya dalka Yeman.

no images were found

Hoos ka Dhagayso baaqa Sheekh Daahir Aw-cabdi uu u jeediyey Soomaali oo dhan

[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/pf3l2jsv5w/Shdaahirdahabshiil.mp3]

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online