Shirweyne looga hadlayo amaanka Puntland iyo dhibaatada Al-shabaab oo ka furmay Garoowe.[Masawiro]

May 12, 2015 - Written by Editor

garoweGaroowe:-Waxaa saaka ka furmay magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland Shir weyne looga hadlayo adkaynta amaanka deegaanada Puntland iyo ka hortaga dhibaatada kooxda Al-Shabaab ay ka geystaan magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

Shirweyne looga hadlayo adkaynta amaanka deegaanada Puntland iyo dilalka kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa furay Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullahi Cumar Camey waxaana shirka ka soo qeyb gali doona qeybaha kala duwan ee bulshada .

Shirkan ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa qaabkii looga hortagi lahaa leynta haldoonka Puntland iyo kaalinta shacabka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ka qaadan karto sugida amaanka deegaanada Puntland.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dilal kala duwan u geystay ,culumo ,nabadoono.xildhibaano saraakiil, iyo dad rayid ah oo ganacsato ah waxaana u danbeeyey dilkii Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamanka Puntland oo ay ku dileen magaalada Gaalkacyo xili uu ka soo baxay salaadii maqrib Masjidka Abu Hureyra ee magaalada Gaalkacyo.

no images were found

Faahfaahinta dib baan idiinka soo gudbin doonaa inshalaah.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online