Madaxweynaha Puntland oo salaada Jimcaha dadweynaha kula tukaday Masjidka Ubuu-Hureyra ee Gaalkacyo.[Masawiro]
August 14, 2015 - Written by Editor
Gaalkacyo:-Madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 14-8-2015 salaada Jicmaha boqolaal dadweyne ah kula tukaday Masaajidka Ubuu-hurayra ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.
Masaajidkaan ayaa kamid ah masaajidada waaweyn ee ku yaala magaalada Gaalkacyo, waxaana ku tukada boqolaal dadweyne ah , madaxweynuhuna si kalsooni buuxda ay kujrto ayuu shacabkiisa maanta salaada jimcha ula tukaday. Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug , waxay kamid tahay magaalooyinka waaweyn ee laf dhabarka u ah Puntland, waxaana kajira xasilooni Nabadeed oo baahsan.
Shacabku waa kuwo had iyo jeer ka shaqeynaya sugida amniga ayna ka go’antahay inay laba jibaaraan horumarka baaxada leh ee ka soconaya Gobalka Mudug.[nggallery id=981]
DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

.gif)

