Madaxweynaha Galmudug iyo Shariif Xasan Sheekh Aaden oo kulmay (Masawiro)

November 29, 2015 - Written by Editor

1Madaxwaynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aaden iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda Federaalka iyo Xildhibaanno ayaa caawa kulan kula qaatay Koonfurta Gaalkacyo Madaxwaynaha Galmudug Mudane Cabdikarim Xuseen Guuleed. Waxaana ay ka wada hadleen daminta xiisadda ka taagan degmada Gaalkacyo ee u dhexeysa Galmudug iyo Puntland.

Wefdiga la kuomey Madaxweynaha Galmudug oo isagu  gelinkii danbe soo gaarey Gaalkacyo ayaa ka mid ahaa wefdigii Raysalwasdaaraha Soomaaliya ee Gaalkacyo,

Mudane Shariif Xasan ayaa kulanka ka yeeshay in dawlad gobolleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya mar walba  uu diyaar u yahay ka qeyb qaadashada xasilloonida dalka. Isagoo boggaadiyey sida ay Madaxda Galmudug dhankooda u aqbaleen in wixii khilaafka ah ee jira lagu dhameeyo wada hadal iyo is qancin.

no images were found

Dhanka kale. Madaxwayne Cabdikarim Xuseen Guuleed ayaa uga mahadceliyey Madaxwaynaha Koonfur Galbeed iyo Wafdiga la socda muhiimadda gaarka ah ee ay siinayaan daminta colaadda sokeeye ee ka taagan deegaanka, iyadoo uu xusay Galmudug dhankooda in ka go’an tahay  wax walba oo lagu soo celinayo nabadda deegaanka iyo wada noolaanshaha dadka walaalaha ah.

———-DHAMMAAD———–

Leave a comment

*

Archives
November 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online