Xaaladdii u Dambeysay ee Dagaalka Gaalkacyo (Dhageyso)

November 29, 2015 - Written by Editor

gaalkacyoXaaladda magaalada Gaalkacayo ee badhtamaha Soomaaliya ayaa degganayd maanta kaidb dagaalladii shalay halkaais ka dhacay oo ay ku dhintene ugu yaraan 7 qof, in ka badan 30 kalena ay ku dhaawacmeen. Magaalada waxa aku suganw afdi ka socda dawladda federaalka oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arirmaha Gudaha iyo Federaalka Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa.

Waxaa isa soo taraya baaqyada la jeedinayo ee lagu doonayo in dhinayada iskaga soo horjeeda magaalada ay nabad qaataan. Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay dagaallada ka socda magaalada Gaalkacayo ee gobolka Mudug, waxaanay dhinacyada halkaasi ku dagaallamaya ugu baaqday inay nabad iyo wadahadal ku dhammeeyaan wixii u dhaxeeya.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa sheegay in loo baahan yahay in guud ahaan gayiga geeska Afrika ay nabad ahaato.

Dhinaca kalena Sheekh Maxamed Iddiris Axmed oo ka mid ah culimada ugu magaca dheer Soomaalida ayaa isna saaray baaq uu ugu jeedinayo dadka dagaalamaya inay inay xabbadda joojiyaan, waxaana uu sheegay inuusan dagaalkaasi ahayn mid bannaan dhinaca shareecada.

Haddaba guud ahaa warbixinadaasi ka dhageyso sanduuqa madow ee hoose

VOA Somalia

Leave a comment

*

Archives
November 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online