Abdul Malik Jones oo ka tirsanaa Al-shabaab oo iska dhiibay Baraawe oo Muqdisho la keenay

December 9, 2015 - Written by Editor

diyaaradBaraawe:-Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab ahna Muwaadin u dhashay dalka Mareykanka oo  isku dhiibay ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku sugan degmada Baraawe ayaa saaka waxaa la keenay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Sarkaalkaan Maraykanka ah ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Abdul Malik Jones waxaan uu mar uu la hadlay warbaahinta uu sheegay in nolashisa ay gashay khatar uuna ka baqay in Amniyaadka Al-shabaab ay dilaan ka dib markii xubno ka mid ahaa Al-shabaab ee sheegtay in ay ku biiraan ururka Daacish la khaarajiyey.

Maalmihii u danbeeyey ayaa saxaafadda Soomaalidu qaarkod waxaa ay ka faaloonaysay dilal iyo iska horimaadyo ku dhex maray deegaano ka tirsan Koonfurta Soomaaiya ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab iyo xubno horay uga tirsanaan jiray Al-shabaab oo ku biiray ururka Daacish taas oo sababtay Khilaaf iyo gacan ka hadal.

Ilaa hadda ma jiro masuul ka tirsan Al-shabaab oo ka hadlay Sarkaalkaan Maraykanka ah ee ka goostay Al-shabaab iskuna dhiibay ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ee u sugan degmada Baraawe walow saaka loo duuliyey magaalada Muqdisho.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online