Barnaamijka Xalaqaadka oo mar kale dib uga furmay Masjidka Rowda ee Boosaaso.[Masawiro]

December 5, 2015 - Written by Editor

IMG-20151203-WA0010Boosaaso:-Subaxnimadii khamiista Bishuna ahayd 3- 11- 2015 ayaa Masjidka weyn ee Al- Rowda ee Boosaaso- qaybtiisa sare lagu qabtay munaasabad kooban oo lagu furayey Barnaamijkii Xalaqaadka Cilmiga aha ee ka soconjiray Masjidka. Madasha Xafladda furitaanka Barnaamijka Xalaqaadka ayaa waxa ka soo qayb galay qaar k amid ah Culimada ugu caansan Soomaaliya , maamulka mu’asasada alminhaaj, culimada bixinaysa duruusta xalaqaadka ,ardayda iyo marti sharaf kale.

Sh.Axmed Yuusuf Daad oo ugu horayntii munasabada ka hadlay ayaa ardayda kula dardaarmay , Cabsida Allah iyo in Cilmiga lagu Dhaqmo loona gudbiyo Ummadda inteeda kale,culmadana laga qaado cilmiga lagana faaidaysto inta ay nool yihiin.

Goobta oo ay soo xaadireen arday badan iskuguna jira rag, dumar , arday cusub iyo kiwii horey u dhiganjiray aya wajiyadooda waxa laga dheehanayey Farxadda iyo hamiga ay u hayaan barashada cilmiga sharciga ah iyo sida ay ugu faraxsanyihiin iney Cilmiga ka dhegaystan kana qaatan Culimada wakhtigooda qaaliga ah uhurtay. Intas ka dib aya Micrafoonka lagu so dhoweyey Fadiilatu Sh.Dahir Aw Cabdi waxa uuna ku hadlayey Afka Hay’adda Culimada Puntland.

Sh.Daahir Aw Cabdi oo kalmad dhinacyo badan taabanaysa ka soojeediyey munasabada Furitaanka Barnaamijka Xalaqaadka ayaa dhamaan dad weynihi kala duwana ee Madasha iskugu yimid ku Booriyey Cabsidda Allah iyo raali gelintiisa , waxa uuna ku dhiirigaliyey ardeyda xalaqaadka iney ka faa.iidaystaan fursada ay haystaan kuna Dhaqmaan Cilmiga ay baranayaan.

Sh.Axmed Garaase oo ka mid ah Culimda ahna Macaliminta wax ka dhigaysa Xalaqaadka lagu baranayo Shareecada Islaamka iyo Luqadda Carabiga aya ku booriyey Ardayda Muhiimadda waxbarasha iyo fursada ay haystan Ardayda Barnaamijka Xala qaadka ka qayb qadanaysa.

Sh. Faarax Maxamed Cajab Gudoomiyihii hore ee Xafiiska Minhaaj Qaybta Gobolka Bari kana mid ah Culimada lagu casumay Xafladda ayaa kalmad waxtar leh ka soo jeediyey Xafladda. Sh Faarax oo ku dheeraaday Taariikhda uu soo maray Barnaamijka Xalaqaadka iyo Ahdaafta laga leeyahay .

Ugu damayntii Xaflada Furitaanka Barnaamijka Xalaqaadka aya waxaa soo Gabagabeyey soona xirey Gudoomiyaha Xafiiska Minhaaj Qaybteeda Gobolka Bari Xasan C/laahi Xasan asagoo ardada ku baraarujiyey ka faa,iidaysa fursada ay haystaan una bayaaniyey nidaamka xalaqaadka iyo sida uu ushaqaynayo Gudiga Barnaamijkan Maktabku u xilsaaray.

no images were found

Xafiiska warbaahinta
Mu’asasada alminhaaj
Boosaaso,Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online