Ciidamo qabsaday Beerxaani oo dib uga baxay

December 23, 2015 - Written by Editor

11Kismaayo:-Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamadii maanta la wareegay gacan ku haynta deegaannada Beerxaani, Quddus, Cabdi-Dhoore iyo deegaanno kale ay dib uga soo baxeen, kuwaasoo ku laabtay magaalada Kismaayo. Ciidankan ayaa deegaannadaasi ka soo badbaadiyey illaa iyo 50 maxbuus oo u xiraan maleeshiyada Al-Shabaab oo qaarkood ku xukunnaa dil.

Ciidankan ayaa sidoo kale la sheegay in uu horay u soo kaxeeyeen gaadiid gaaraya illaa 100, oo isugu jira noocyada xammuulka iyo raaxada oo deegaannadaasiay Al-Shabaab ku haysatey, iyadoo qaar ka mid ah gaadiidkaasi lagu wareejiyey dad rayid ah oo horay ay Al-Shabaab uga qaadatay.

Ciidamada deegaannadaasi maanta wareegay kaddib markii aybannaanka ka duqeeyeen, ka hor inta aysan gudaha u galin, iyadoo dagaal xooggan uu in muddo gudaha deegaannadaasi ku dhexmaray ciidanka iyo maleeshiyada Al-shabaab ee halkaasi laga saaray.

Dagaalkii maanta ka dhacay deegaannada Beerxaani, Quddus, Cabdi-Dhoore iyo deegaanno kale ayaa la sheegay in uuka dhashay khaasare xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, walow aan illaa hadda si rasmi ah loo oggeyn inta uu le’egyahay.

Source:VOA

Leave a comment

*

Archives
December 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online