Dagaalkii Gaalkacyo Oo Joogsaday iyo wasiirka arimaha gudaha DFS oo ka hadlay (Dhageyso)

December 3, 2015 - Written by Editor

odawaaGaalkacyo:-Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya inuu joogsaday dagaalkii magaalada ka socday ee u dhaxeeyey ciidamada Puntland iyo Galmudug.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Odowaa oo VOA la hadlay ayaa sheegay in waftiga dowladda ee uu hogaaminayo ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid iyo xubnaha maamul goboleedyada inay ku guuleystaan in dagaalka la joojiyo.

Waxa uu sidoo kale sheegay in waftiga dowladda ay sidoo kale isku keeneen madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland, kuwaas oo tagay goobihii lagu dagaalamay, kadibna sida uu sheegay ballan qaaday inay ka dhabeeyaan heshiiskii shalay la gaaray.

Odowaa waxa uu shaaca ka qaaday in heshiiskii shalay la gaaray uu weli taagan yahay, dagaalka maanta dhacayna uu ahaa qalad farsamo.

Wasiirku waxa uu sheegay in ciidamada is horfadhiya la kala qaadi doono caawa, islamarkaana uu ku rajo weyn yahay in magaalada ay xaalad caadi oo nabad ah kusoo laabato berri.

Hoos ka Dhageyso wareysiga wasiirka arimaha gudaha DFS Cabdiraxmaan Odowaa

VOA Somalia

Leave a comment

*

Archives
December 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online