Dr.Faysal Maxamed oo Muxaadaro ka hadlaysa (نفخ الصور والبعث من القبور ) ka jeediyay Nadwadii ka socotay Garowe [Masawiro/Video]

December 23, 2015 - Written by Editor

vlcsnap-2015-12-22-12h21m51s25-300x169Garoowe:-Waxaa habeenkii 4-aad kasocota Masjidka AL-Huda Magaalada Garowe Nadwadii 8-aad oo sanadkaan halkudhigeedu yahay (من دار الغرور الى دار القرار) waxaana ka soo qayb galay culimo caan ka ah guud ahaan dhulka Soomaalidu degto waxayna culimadu guud ahaan bulshada sawir cad ka siiyeen nolasha aduunka ee dhalanteedkaa ah iyo Nolasha Aakhiro ee lagu waarayo dhamaan Muxaadaraadkaan oo aad looga hadal hayo guud ahaan deegaana Puntland gaar ahaan Garowe.

Waxaana caawa darsi dhexal gal ah soo jeed shay Sh.Dr Faysal Maxamed Cali waxaana Sheekhu qaadaadhigay halku dhigii (نفخ الصور والبعث من القبور ) oo ah Muxaadarada uu Sheekhu ku qornaa waxaana Sheekhu ka hadlay sida Aduunka loo afuufi doono iyo malaa’ikta Shaqadaan Qaban doonta waxaana Sheekhu raaciyay Marka aduunka la afuufo iyo In laga soo saari doono qubuurha wixii ku jiray oo dhan intaas ka dibna la hortagi doono Eebe weyne Hortiis .

Sheekha oo darsigiisa laga dheehan karay diyaarin heer sare ah dhan walba marka laka eego darsiga Sheekha ka sokoow Muxaadaradaan oo caalamka oo dhan laga dhagaysanayay waxaa lagala socday Idaacadda Qur’aanka Kariimkaa Al-Xikma oo Iyadu gaarsiisay In ka badan 4gobol oo ka mid ah Gobollada Puntland Iyo Goboladda Dhexe ee dalka waxaana markuu soo gaba gaboobay darsigii Sheekha La guda galay Qaybtii Su’aalaha.

no images were found

Waxaana caawa ka jawaabay su’aalo aad muhiim ugu ah bulshadii soo qortay iyo kuwii dhagaystayba Sh.Daahir Aw Cabdi Iyo Sh.Maxamuud Xaaji Yuusuf labada sheekh ayaa waxay ka jawaabeen in kabadan 15 Su’aalood waxaana Masjidka soo buux dhaafshay boqolaal dadweyne ah kuwaas oo aad uga faa iidaystay Muxaadaradii Dr Faysal Iyo Jawaabihii Culimadda.

Hoos ka Daawo muxaadaradii Sh Dr Faysal Maxamed Cali

Nuur Jaamac Aadan
Xafiiska Warbaahinta
Mu’asasada Al-Minhaaj
Garoowe,Somalia

Leave a comment

*

Archives
December 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online