Golaha wasiirada S/land oo go’aamiyey in Baasaboor laga rabo dadka Soomaaliyeed.[Cod/Video]

December 28, 2015 - Written by Editor

cadaaniHargeysa:-Kulan gaar ah oo maalmahaan u socday golaha Wasiirrada S/land ayaa waxa ay ka soo saareen go’aanno ka kooban ilaa 7 qodob oo saameynaya isku socodka deegaamada ay maamulaan maamulka S/land iyo gobollada Koonfurta Soomaaliya. Kulanka ayaa waxaa lagu go’aami yey in qof kasta oo reer S/land ah oo Koonfurta Soomaaliya u safraya uu qaato Baasaboorka Somaliland oo aysan ilaa hadda aqoonsanayn dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa kale oo Golaha wasiirada S/land ay hoos u dhigeen qiimaha lacagta laga qaadi jiray qofka sita Baasaboorka Soomaaliya ee tegaya S/land.

golaha Wasiirrada Somaliland ayaa ku amray xawaaladaha lacagta, shirkadaha diyaaradaha, kuwa Isgaarsiinta iyo meheradaha ganacsiga in aysan u adeegi karin qof aan sidan aqoonsiga S/land waxaan go’aamadaan ay dhaqan galayaan 1-da bisha January ee sanadda 2016.

Hoos ka Daawo Wasiirka wasaaradda duulista iyo hawada S/land Cismaan C/laahi Saxardiid (Caddaani) oo akhrinaya go’aamada

Hoos ka Dhagayso Weriyaha VOA Barkhad Kaariye oo go’aamadan ka wareystay Wasiirka wasaaradda duulista iyo hawada Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani).

M_M_Deeq
Hagan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online