Kooxda Daacish oo sheegtay in xubno ka tirsan ay dileen Al-Shabaab

December 13, 2015 - Written by Editor

abumeysara

Fariimo iyo qoraalo lagu baahiyey baraha internetka ee taageera kooxda Daacish ayaa waxaa ay eedeyn u soo jeediyeen Ururka Al-shabaab ka dib markii amniyaadka Al-shabaab ay ku khaarajiyeen xubno horay uga tirsanaa Al-shabaab ee ku biiray kooxda Daacish.

Kooxda Daacish oo maalmihii la soo dhaafay waxaa ay baahiyeen muuqaalo ay ku sheeganayaa in xubno ka tirsan Al-shabaab ay ku biireen Kooxdooda balse nasiib daro xubnahaas qaar ka mid ah waxaa khaarajiyey kooxda Al-Shabaab waxaana ku jiray rag muhiim ah oo madaxooda la duldhigay malaayiin lacag ah waxaana ka mid ah,

1.Mohamed Makawi

2.Abdal Basiid Xaaji Maxamed

Labada xubnood oo ahaa kuwa ka garab dagaalami jiray Al-shabaab ayaa waxaa ay ku soo dileen dalka Sudan Muwaadin Maraykan ahaa iyo darawalkiisa oo Sudani ahaa waxaan dilka uu ka dhacay magaalada Khartoum ee caasimada dalka Sudan.

Dowladda Mareykanka ayaa lacag dhan 10 milyan oo doollar u ballanqaadday inay siinayso cid walba oo xog horseedi karta qabashada labada nin Mohamed Makawi iyo Abdelbasit Haj Hamad oo lagu eedeeyey dilka Granville oo ahaa diblamaasi ka shaqeyn jiray safaarada Mareykanka ee dalka Sudan.

Qoraalka lagu daabacay Mareegaha taageera Daacish ayaa hanjabaadyo u jeediyey ururka Al-Shabaab iyo madaxdooda waxaana qoraaladaas ka xusi karnaa mid uu qoray Abu Meysara Al-Shaami oo ka mid ah Wadaada u fatwooda kooxda Daacish laguna faafiyey baraha bulshadu ku sheekeysato iyo weliba Baraha saxaafadda ee Taageera kooxda Daacish.

Qoraalkaan ayaa waxaa qoray Abu Meysara Al-Shaami isagoona sideoo kale weerar ku qaaciyey Hogaamiyaha Al-qacid Dr Ayman Al-Dawaahirii iyo hogaanka Ururka Dhaalibaan isaga ku tilmaamay Daaquut iyo aqli daro waxaa ka mid ah hadaladiisa.

فليعلم الموحدون المجاهدون والناس أجمعون في مشارق الأرض ومغاربها أن أمراء حركة الشباب – المبايعين للظواهري سفيه الطاغوت أختر منصور – أن هؤلاء الأمراء الفاسدين المفسدين الضالين المضلين قد بغوا على جنود الخلافة في الصومال وغدروا بهم وسفكوا دمهم الحرام وقتلوا نفوسهم الزكية بغير حق

Abu Meysra Al-Shaami ayaa waxaa uu si qoto dheer uga sheekeeyey qaabka loo khaarajiyey rag badan oo ku biiray kooxda Daacish isaga oo Al-shabaab ku tilmaamay Jawaasiis waxaana uu ugu baaqay xubnaha ka tirsan Daacish ama taageersan in ay iska ceshaan Al-Shabaab waxaa ka mid ah hadaladiisa.

فإلى جنود الخلافة في الصومال، قال المولى (جلّ وعلا): (وَالَّذِينَ إِذَا أَصَابَهُمُ الْبَغْيُ هُمْ يَنتَصِرُونَ * وَجَزَاءُ سَيِّئَةٍ سَيِّئَةٌ مِّثْلُهَا) [الشورى: 39-40]، وقال (جلّ وعلا): (فَمَنِ اعْتَدَىٰ عَلَيْكُمْ فَاعْتَدُوا عَلَيْهِ بِمِثْلِ مَا اعْتَدَىٰ عَلَيْكُمْ) [البقرة: 194]، وقال (جلّ وعلا): (وَإِنْ عَاقَبْتُمْ فَعَاقِبُوا بِمِثْلِ مَا عُوقِبْتُم بِهِ) [النحل: 126].

فلا بد من معاقبة هؤلاء المفسدين في الأرض بالمثل وأشدّ، فاقتلوا أمراء التحزّب والافتراق بالكواتم والأحزمة والعبوات، حتى تتمايز الصفوف ويعرف الناس مع من يقف هؤلاء الأمراء، مع أختر والظواهري؟ أو مع التوحيد والجهاد؟ وإن في صفوف حركة الشباب من الجنود الجمع الغفير من يريد الدخول في جماعة المسلمين لكن يمنعه بطش أمراء حركة الشباب وجواسيسهم، والله المستعان

ِHalkan ka Qoraalka uu Qoray Abu Meysara Al-Shaami uu ku eedeynayo kooxda Al-Shabaab

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online