Madaxwaynaha Puntland oo maanta sagootiyay arday deeq waxbarasho loogu diray Dalka Sacuudiga [Masawiro]

December 29, 2015 - Written by Editor

IMG_1685Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas oo ay weheli yaan Wasiirka Waxbarahsada iyo Tactiinta sare iyo wasiir kuxigeenka wax-barashada iyo Tacliinta sare ayaa subaxnimadii hore ee saaka 29-Dec-2015 qasriga Madaxyooyada Dawladda Puntland ee Garoowe ku sagootiyey arday deeq waxbarasho oo heer jaamacadeed ah ka helay Dawladda Sucuudiga gaar ahaan Jaamacadda Tabuuk.

Ardaydan Deeqda Waxbarasho ka heshay Dawladda Sucuudiga oo tiro ahaan gaareysa 8-ardray ayaa qayb ka ah 283-arday kuwaas oo sannadkan gudihiisa deeqo waxbarasho oo kala duwan ka kala helay waddamada Suudan, Itoobiya iyo Masar, dhammaantoodna ka soo qalin jebiyey dugsiyada kala duwan ee Gobolada Puntland.

Wasiirka wasaaradda Wax-rashada iyo Tacliinta Sare Prof.Abshir Aw-Yuusuf Ciise ayaa madaxweynaha uga war-bixiyey dedaalka dheeraadka ah ee ay wado wasaaradda wax-barashadu isagoona tilmaamay inay tahay markii ugu horeysey ee Dawladda Puntland ay deeq warbarasho ka hesho Waddanka Sucuudiga taasina ay muujinayso dedaalka dheeriga ah ee ay la timi Wasaaradda Wax-barashada iyo Tacliinta sare ee Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu mahadceliyey Wasaaradda Wax-barasha dedaalka ay ugu jirto sidii looga miradhalin lahaa yoolka Dawladda Puntland ay hiigsanayso oo ah sidii loo heli lahaa xeel dheerayaal aqooneed oo Puntland ay kula Tartanto waddamada hore-umaray.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dar-daarmay Ardaydii nasiibka u yeelatay in ay helaan deeqdan wax-barasho in loo baahan yahay inay ka faa’iideystaan, dalkooda iyo dadkoona ay uga faa’iideeyaan isla markaasina waxa ay soo bartaan ay dalkooda dib ugu soo celiyaan si ay u anfacaan jiilasha iyaga ka-dambeeya.

Geba-gebadii Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ku boorriyey ardaydii deeqdani heshay qiimaha ay leedahay wax-barashadu isagoona ku dhiirigeliyey inay ilaaliyaan sharafta iyo karaamada dalkooda iyo tan dalka ay wax kabaranayaanba taasna ay ku heli karaan oo kaliya inay layimaaddaan dedaal dheeraad ah.

no images were found

—DHAMMAAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
December 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online