Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Khudbad ka jeediyey Shirkii Muqdisho.[Masawiro]

December 8, 2015 - Written by Editor

GaasMuqdisho:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  ayaa  maanta  Dec, 8, 2015  magaalada Muqdisho kaga qayb galay shir looga hadlayey nooca ay noqon doonto doorashooyinka dalka soomaaliya ka dhici doona sannadka 2016-ka.

Shirka ayaa waxaa iyaguna kasoo qayb qalay Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaliya, Ra’iisul-wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya,Madaxda maamul goboleedyada,  wasiiro iyo xildhibaano ka kala socda Dawladda Federaalka iyo Dawlaha xubnaha ka ah, wakiilo ka kala socda beesha caalamka oo ay ka mid yihiin Danjire Maraykanku usoo diray soomaaliya, wakiilka Xog-hayaha Guud ee qaramada midoobey ee soomaaliya, Madaxa Midowga Yurub ee Soomaaliya, Midowga Africa, IGAD iyo Wakiilo kale oo tiro badan.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas oo  madasha shirka ka jeediyey khudbad taariikhi ah ayaa sheegay Puntland inay ka jirto nabad buuxda oo laysku hallayn karo inkastoo kooxda al-shabaab  ay weli ku dhuumaalay sanayaan firxadkoodii buuraleyda Gal-gala ee Gobolka Bari oo noqotay “Toora-booradii” Soomaliya.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabiweli Maxamed Cali Gaas ayaa mar uu ka hadlayey nooca doorasho ee ugu haboon dalka  inay tahay in laga gudbo hannaankii awood qaysiga beelaha ee 4.5 loogana gudbo habab kale oo diin ahaan caddaalad ahaanba ugu wanaagsan dalka.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hoosta ka xariiqay  inaysan suurta gal ahayn inay dalka ka dhacdo wax muddo kororsi ah  isla mar ahaantaana  ay lagama maarmaan tahay  in ladhiso Aqalka Sare ee Dalka.

Madaxweyne Gaas ayaa sidoo kale ku cel-celiyey muhiimadda ay leedahay  in ladhiso ciidan qaran oo isku dhaf ah oo wata summadda qarank si looga badbaado falalka liddiga ku ah nabadda iyo dawladnimo xooggan oo ka dhalata Soomaaliya.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabiweli Maxamed Cali Gaas ayaa beesha caalamka iyo soomaalidaba u sheegay  sida ay lagama maarmaanka u tahay in loo sinnaado deeqaha dalka ee lagu soo qaado magaca Soomaaliya iyo in si siman loo qaybsado khayraadka dalka.

Sidoo kale madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa xusay in loo baahan yahay dastuurka Dalka in dib loo eego isla markaasin ay Dawladda Puntland Fidisay  go-gosha shirkaasi dastuurka dib loogu eegayo maadaama dastuurku uu weli qabyo yahay loona baahan yahay  in ladhammaystiro wax-badan oo khaldana lays waafajiyo.

Geba-gebadii Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabiweli Maxamed Cali Gaas ayaa adkeeyey in la sameeyo Khariidad Siyaasadeed (Road Map) taas oo looga gudbayo doorashada 2016-ka isla markaasina xaqiijinaysa inaanay dhici karin wax muddo kororsi ah oo loo suubiyo labada gole ee Dawladda.

no images were found

DHAMMAAD–

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Leave a comment

*

Archives
December 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online