Madaxweynaha Dawladda Puntland oo maanta Garoowe ku dhagax dhigay dhismayaal wasaaradood.[Masawiro]

December 30, 2015 - Written by Editor

IMG_9696Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta 30-Dec-15 dhagax dhigaydhismaha Xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ay ku yeelanayso Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland.

Dhagax dhigga Wasaaradda Maaliyadda Puntland waxaa kasoo qayb galay Wasiiro, Xildhibaano, Agaasimayaal , shirkaddii dhisaysey wasaaradda iyo dadweyne kale oo aad u tira badan, waxaana lagu dhisayaa Wasaaradda hal-kudhiggii Madaxweynaha ee ahaa Puntland Haysku tashato barnaamijkaas oo Puntland si rasmi ah uga taabba galay.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku ammaanay Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Cabdulaahi Sheekh Axmed dedaalka dheeraadka ah ee uu kubixinayo horumarinta iyo tayaynta wasaaradda iyo sidii loo heli lahaa dhisme caalami ah oo ay yeelato Wasaaradda Maaliyadda Puntland si’ loo dar-dargeliyo koboca dhaqaalaha Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa intaasi ka dib dhagax dhigay Dhismaha Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Haweenka iyo horumarinta Qoyska, maadaama ay wasaaraddu kamid tahay wasaaradaha ugu ballaaran Puntland isla markaasina ya muhim tahay in ay hesho dhisme kabedelan kan ay hadda ku shaqayso.

Waxaana kasoo qayb galay dhagax dhigga wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, Wasiiro, Xildhibaano, shirkadii dhisaysey Wasaaradda iyo Masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku bogaadiyey Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Murwo Aniisa Cabdul-qaadir Xaaji Muumin dedaalka baaxadda leh ee ay ugu jirto horumarinta iyo tayaynta Wasaaradda, maadaama wasaaraddu ay ku taxalluqdo arrimaha hooyada iyo dhallaanka iyo dhammaanba arrimaha bulshada taasina ay u baahantahay in il gaara lagu hayo dhismahanina uu waxbadan ka-qabandoono arrimaas oo dhan.

Wasaaradaha Dawladda Puntland ayaa intooda badani waxay u wada guureen dhismayaal casri ah taasina waxay markhaati u tahay sida ay Dawladda Puntland cagaha u saartay dhabbihii horumarka iyo sinnaanta taaso gundhiggeedu yahay isku tashi Dawladda iyo shacabka ah.

no images were found

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
December 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online