Madaxweynaha Dawladda Puntland oo mashaariic muhim ah xarigga kaga jaray Magaalada Gaalkacyo[Masawiro]

December 23, 2015 - Written by Editor

IMG_8960-1Gaalkacyo:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 23-Dec-15 xarigga ka jaray suuq weyn oo laga hirgeliyey Xero dayax suuqaas oo ka kooban 17dhisme oo isu jira kow iyo toban bakhaar oo waaweyn oo midkiiba ku fadhiyo 8X10-mitir ,iyo  lix hool ama firsho oo waaweyn kana kooban 15X24-mitirkuwaas oo loogu tala galay midkiiba inay ku ganacsadaan 400 oo qoys oo marka tiro ahaan loo fiiriyo noqonaya2400 oo qof.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale kormeeray  mashaariicdii horumarineed ee dawladdu kafulisey magaalada Gaalkacyo sida  Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Gaalkacyo oo dhismeheedii meel wanaagsan marayo, dhismaha Wasaaradda Hawlaha Guud oo geba-gebo ah, Dhismaha Wasaaradda Kalluumaysiga, Hay’adda Waddooyinka  iyo dhismaha Laybareeriga ama Maktabadda oo iyaguna meel wanaagsan maraya.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali oo ay weheliyaan, Maamulka Gobolka Mudug iyo kan Degmada Gaalkacyo, Wasiiro iyo xildhibaano ayaa kormeerkaasi kadib Shir Jaraa’id saxaafadda ugu qabtay Qasriga uu madaxweynaha Puntland ka degganyahay Magaalada Gaalkacyo.

Madaxweyne ayaa gaas ayaa ugu horrayn uga mahadceliyey Guddiyadii kala duwanaa ee uu u magcaabay horumarinta Gaalkacyo shaqooyinka muhimka ah ee ay ka fuliyeen magaalada gaar ahaa guddiga soocelinta bilicda gaalkacyo oo shaqooyin baaxadle ka qabtay magaalada gaalkacyo.

Sidookale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay inay gaalkacyo maanta yeelatay suuq weyn oo qofka raba inuu ka adeegto uu hal-mar waxa uu ubaahanyahay kawada helayo iyadoo wax waqti ah oo kalumay aanu jirin taasina ay tahay horumar lagu faani karo oo u soo hoydey shacabka kudhaqan magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali ayaa  ku tilmaamay shaqooyinkii Gaalkacyo laga qabtay inay ahaayeen shaqooyin aad u dhib badnaa dadkuna marka hore aanay jeclayn horumarka balse ay hadhow ay siweyn usoo dhoweeyaan markay isbedelka arkaan.

“Dadkii shalay habaaramayey oo dagaalamayey weeye kuwa maanta ducaynaya, markay arkeen isbedelka muuqda, marka dadka in wanaagga la tuso, caddaaladda la tuso,  horumarkana lagu jihooyo wax wanaagsan weeyaan dadkuna marka dambe way laqabsanayaan” ayuu yiri madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali ayaa geba-gebadii hadalkiisa shacabka Puntland meelkasta oo ay joogaan ugu baaqay inay kaqayb qaataan horumarka Puntland waxaana uu intaa ku daray shaqooyinkii Gaalkacyo laga qabtay in aanay ku ekayn Gaalkacyo oo keliya balse dhammaan Gobollada Puntland shaqooyinkaasi laga wada qaban doono iyadoo lookala horumarin doono hadba sida ay ukala dhib badan yihiin.

no images were found

—DHAMMAAD—

 Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Dawladda  Puntland

Leave a comment

*

Archives
December 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online