Madaxweynaha DFS “Taageerada beesha caalamka waa u muhiim dib u dhiska Soomaaliya

December 8, 2015 - Written by Editor

gaasm7Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay si rasmi ah magaalada Muqdisho ugu xoo xiray aqoon is-weydaarsi muddo saddex maalmood ah socday, oo ay ka soo qeybgaleen xubno ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka ka jira, kaas oo looga hadlayey mashaariicda horumarinta ee barnaamijka Cahdiga Cusub (New Deal).

Hadal uu ka jeediyay munaasabad casho sharaf ah oo shirkaasi lagu soo gabagabeynayay oo ka dhacdey xarunta gobolka Banaadir, ayaa Madaxweynaha waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay dib uga soo kabaneyso burburkii iyo colaaddii muddada dheer jiray, haatanna loo baahan yahay in la dardar-geliyo mashaariicda horumarinta.

“Barnaamijkan New Deal ama Cahdiga Cusub ee dib u dhiska Soomaaliya waa mid muhiim inoo ah. Arinta keliya ee wallaaca nagu haysa ee aan dooneyno inay beesha caalamka inala fahmaan ayaa ah in muhimad gaar ah la siiyo kaabeyaasha dhaqaalaha sida waddooyinka, farsamada iyo adeegyada kale ee aasaasiga ee fursado shaqo iyo nolol u abuuraya Soomaalida’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed oo intooda badan ah dhalinyaro ay dantu ku khasabtey inay noloshooda ku tiirsanaato qoriga, ha noqdeen kuwo dowladda u shaqeeya, kuwo fal dembiyeed faraha kula jira, kuwo argagixisada la shaqeeya iyo kuwo ka hawlgala meelo kale oo aan nolosha ku habboonayn, si taasi loo beddelo oo xirfado kala duwan ay u yeeshaanna loo baahan yahay in wax loo qabto.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale hadalkiisa ku xusay heshiiskii dhowaan lagu gaarey Gaalkacyo ee lagu soo afjarey dagaalkii halkaa ku dhexmarey maamullada Puntland iyo Galmudug.

“Nasiib darro ayay ahayd in mar kale shacabkeena dagaal sokeeye la geliyo, laakiin waxaa wax lagu farxo ah in Soomaalida oo dhan ay dirirtaasi ku baxdey, xal Soomaaliyeedna u helay colaaddaasi dadka walaalaha ah u dhexeysey. Waad aragtaan caawa inay inala fadhiyaan, magaalada Muqdishana iyagoo wada jira ay wada yimaadeen madaxweynayaasha maamullada Galmudug iyo Puntland’’.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha waxaa uu mar kale soo dhoweeyay dadaalka ganacsatada Soomaalida ee dhinaca maalgashiga dalka, tallaabadaas oo uu ku tilmaamey inay astaan wanaagsan u tahay mustaqbalka dalka.

Xafladda casho sharafta ayaa waxaa ka soo qeybgaley Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Galmudug, Cabdiweli Maxamed Cali, Cabdikariim Xuseen Guuleed, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo mas’uuliyiin kale.

—DHAMMAAD—

Leave a comment

*

Archives
December 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online