Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

December 23, 2015 - Written by Editor

XassanMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka koobanaa labadda gole ee Dowladda federaalka oo mudo seddex maalmood ah ku sugnaa magaaladda Beledweyn ee gobolka Hiiraan ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaaladda Muqdisho.

Maalmahii uu Madaxweynaha ku sugnaa Beledweyn ayaa si guud iyo si gaaar gaar ahba ula kulmayey Odayaasha dhaqanka, Waxgaradka iyo siyaasiyiinta beelaha dega gobolka Hiiraan. Madaxweynaha ayaa kala hadlayey sidii loo sii adkeyn lahaa heshiiskii dhowaan la dhaxdhigay beelaha walalaha ah ee ku dagaallamay magaaladda Beledweyn iyo in bulshadda gobolka Hiiraan warbixin laga siiyo dhismaha maamulka gobolleedka Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe .

” Allaah ayaa mahad leh oo si guul ah inoogu soo dhameeyey kulamadii aan la lahayn reer Hiiraan, kulamadaas oo ujeedadoodu ahaayd la-tashiyo iyo in aan u sharaxno dhisamaha maamulka Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe oo qorshuhu yahay in todobaadka soo socda ka furmo magaaladda Jowhar iyo inaan sii xoojino heshiiskii la dhax-dhigay beelahii walaha ahaa ee khilaafka ku dhaxmaray Beledweyn si aysan mar dambe colaad u soo noqon” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa yiri” Waxaan aad iyo aad igu mahad-celinayaa Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshadda Gobolka Hiiraan oo soo dhaweyn waanaagsan inoo sameeyey , islamarkaana nala wadaagay dareenkooda iyo kalsoonida ay ku qabaan Dowladda Federaalka ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ayaa sidoo kale uga mahad-celiyey Odayaasha dhaqanka gacantii ay dowladda federaalka ah ku siiyeen in xal laga gaaro khilaafkii dadka walaaha ah ku dhaxmartay Beledweyn.

DHAMMAAD

Leave a comment

*

Archives
December 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online