Mareykanka oo sheegtay in duqeyn ay ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab

December 8, 2015 - Written by Editor

diyaaradKismaayo:-Wasaaradda Gaashaandhiga ee Maraykanka ayaa shaacisay in weeraro dhinac cirka ah oo ay ka fuliyeen dalka Soomaaliya ay ku dileen Saraal ka tirsanaa Al-shabaab oo magaciisa ay ku sheegeen C/raxmaan Sandheere oo loo yaqaanay Cukaashe.

Afhayeenka u hadlay wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka Cap,Jeff Davis ayaa sheegtay in duqeyn ay ka geysteen dalka Soomaaliya 2-dii bisha December ay ku dileen C/raxmaan Sandheere oo loo yaqaanay Cukaashe oo ahaa Sarkaal ka tirsana Ururka Al-shabaab.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa diyaaradaha Maraykanka ee aan lahayn duuliyaha waxaa ay duqeyn ka geysteen deegaan ku dhow Kuunyo-barow oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose oo ay gacanta ku hayaan Ururka Al-shabaab. Halkaan ka eeg qoraaka wasaaradda difaaca ee Maraykanka 

Dhinka kale Wasaaradda Gaashaandhiga Maraykanka ayaa sidoo kale sheegtay iney duqeyn ay ka geysteen dalka Libiya 13. 11.2015 November ay ku dileen Abul Nabil oo ahaa Sarkaal ka tirsanaa ururka ISIS ee dalka Libiya. Halkaan ka eeg qoraaka wasaarada difaaca ee duqeyntii Libiya

Sheegashada Wasaaradda Gaashaandhiga oo ah in ay dileen C/raxmaan Sandheere oo loo yaqaanay Cukaashe oo ahaa Sarkaal ka tirsan Al-shabaab ayaan ilaa hadda aysan ka hadal Madaxda Al-shabaab.

Dowladda Maraykan ayaa dhow jeer oo hore waxaa ay duqeymo ku dileen Saraakiil ka tirsanaa Al-shabaab kuwaas oo iskugu jiray Muhaajiriin iyo Soomaali iyadoo weeraro duqeynta ah ay ka dhaceen deegaanada ay weli gacanta ku hayaan ururka Al-shabaab.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online