Maxamed Cabdulaahi Xassan oo loo yaqaan “Miski” oo Wareysi siiyey VOA.[Dhagayso]

December 8, 2015 - Written by Editor

MIskWashingtonDc:-Maxamed C/laahi Xassan oo loo yaqaan “Miski” waxa uu ka mid ahaa dhalin yarada ka badan 20-ka ee Soomaalida ah ee ka tagtay Gobolka Minnesota sannadihii 2007 ilaa 2008-da. Miski waxa uu VOA u sheegay inuu ka tagay Minnesota bishii Ogosto 2008 isagoo xilligaasi ay wax yar uga harsan tahay inuu ka qlin jebiyo iskuulka saree e Roosevelt High School ee magaalada Minneapolis.

Waxa uu Miski idaacdda VOA u sheegaay in gurigiisa magaalada Jilib ay soo weerareen maleehsiyada Al-shabaab, xaaskiisa ay indha ka xireen kadibna ay argagaxsiiyeen carruurtiisa. Waxa uu sheegay inuu u baxsaday kaynta isaga iyo rag kale oo ajaanib ah.

Miksi waxa uu caan ku ahaa isticmaalka baraha internet-ka gaar ahaan twitter-ka oo uu farriimo jihaadi ah ku daabiici jiray. Waxaan weydiiney inu ku biiray ururka Daacish taasina ay keentay inay Al-Shabab baacsato.Waxa uu sheegay inuusan ku biirin Daacish, balse uu ku taageeray oo keliya farriimaha uu ku daabici jiray baraha bulshada.

Waxaan weydiiney goorta uu isku soo dhiibay ciidamada dawladdsa Soomaaliya, waxaana uu sheegay inaanu isa soo dhiibin balse iyaga oo socda goob kayn ah ay arkeen dad xoolalay ah kadibna ay war geliyeen ciidamada dawladda oo kasoo qabtay meel u dhow magaalada Baraawe.

Waxa uu sheegay inuu haatan ku jiro xabsi ku yalala magaalada Muqdishu uuna sugayo maxkamad. Mar aan weydiiney inuu doonayo inuu ku soo laabto dalka Maraykanka waxa uu sheegay oo yidhi ma doonayo inaan Maraykanka imaado, waxaan ahay nin Soomaali ah waxaana wixii la igu haystay la igu maxkamadayn karaa Soomaaliya.

Isaga oo ka jawaabaya sababta uu marka hore ugu biray Al-Shabab ayuu sheegay in tegitaankiisa Soomaaliya sanandkii 2008 uu la xiriiro soo faragelintii ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya. Waxa uu sheegay inuu Al-Shabab uga soo shaqeeyey dhinaca warbaahinta iyo dacwada balse uusan shaqo u qabanin muddo laba sano ah.

Waxa uu sheegya inuu Al-Shabab uga soo tagay kadib marka uu arkay inay dadka iska xir xirayaan oo ay iska dilayaan, sida uu hadalka u dhigay. Waxaan Miski wax ka weydiiney farriimaha uu ku qoray baraha ijtimaaciga oo qaarkod ay ku baaqayeen weeraro laga gaysto gudaha Maraykanka, isaga oo farriin dhigay twitter-kiisa.

Magaciisa ayaa warbaahinta Maraykanka ay si weyn u hadal hayeen bishii May ee sanandkan kadib markii laba nin oo dabley ah ay weerareen goob uu ka socday tartan lagu sawirayey Nebi Maxamed NNKHA, waxa jariiradda New York Times ay qortay in mid ka mid ah dadka weerarka qaaday uu xiriir la sameeyey Miski.

Hase yeshee waxa uu Miski beeniyey inuu xirir la lahaa dadka weerarkaas gaystay, waxaana uu ku dooday in boggiisa twitter-ka ay wada isticmaalayeen dad kale.

Sidoo kale waxaa magaciisa lala xiriiriyey dadkii ku lgta lahaa weerarkii ka dhacay magaalada San Bernardino ee gobolka California oo ay ku dhinteen 14 qof. Mar kale waxa uu sheegay Miski inuusan wax xiriir ah la yeelan dadkaasi.

Waxa uu diiday inuu sheego magacyada dadka kale ee la sitcimaalayey bartaas twitter-ka.

Hoos ka Dhagayso waraysigii uu wariye Haaruun Macruuf la yeeshay Maxamed Cabdulaahi Xasan

Source:VOA

Leave a comment

*

Archives
December 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online