Muxaadaradii uu ka jeedyey Sh.Daahir Aw Cabdi Nadwo cilmiyeed diini ah oo ka socota Garoowe [اشراط الساعة].[Masawiro/Cod]

December 21, 2015 - Written by Editor

8Garoowe:-Waxaa xalay oo taariikhdu tahay 10/03/1437 H, kuna beegan 21/12/2015 ay gashay Nadwadii ka socotay Masjidka Al-huda magaaladda Garoowe habeenkii 3aad waxaana xalay darsi Halku dhigiisu ahaa (اشراط الساعة ) oo saamayn badan yeeshay ka jeediyey Sh.Daahir Aw Cabdi waxaana ka soo qaybgalay boqolaal dadweyne iyo qaybo ka mid ah Golayaasha Dowlada Puntland oo uu ka mid ahaa Wasiirka Cadaalada waxaana dhamaan bulshadaas ay si gaar ah u doonayeen in ay wax badan ka ogaadaan saacada qiyaame iyo fidnooyinka aduunka .

Sheekha oo darsigiisa uu ka muuqday diyaar garow aad u sareeya ayaa soo bandhigay maantay waxa ka muuqda aduunka in ay tahay caalaamadihii qiyaamaha waxaana Sheekhu soo qaatay ka sakow daliisha diinta waxaa hadda oo ka muuqda aduunka aynu ku nool nahay. Sh.Dahir Aw-Cabdi waxaa dhinacyo badan bulshada ka tusay sidda maantay ay u muuqato in aynu ku jirno Saacadii Qiyaamaha waxaana sheekhu ku dheeraaday dagaalada ka dhex jira Muslimiinta gudahooda oo iyaga laysku diray iyo Ururada kale duwan ee banaystay dhiiga Muslimiinta waxaas oo dhan in ay ka mid tahay Calaamadaha saacada Qiyaame .

Hoos ka Dhagayso Muxaadaradii Nadwada uu ka jeediyey Sh Daahir Aw-Cabdi

[audio: [http://www.alminhaaj.com/minhaaj/wp-content/uploads/2015/12/Codka-Sh-Daahir-Awcabdi.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

Dhanka kale sheekh Daahir Aw-cabdi waxaa uu ku dheeraaday soo saaridda Nabiyullahi Ciisa oo ka mid ah Calaamada Qiyaamaha iyo Dajaal Imaanshihiisa oo uu ka bixiyay faahfaahin dheer qaabkiisa meesha uu ka soo baxayo iyo waliba calaamadihiisa taas oo ka mid ah Calaamadaha Qiyaamaha waxaana uu bulshada ugu baaqay in loo diyaar garoobo sidii loogu baasi lahaa imtixaanka maantay taagan iyo kuwa kale oo badan oo imaan doona .

no images were found

Ugu Danbayntii Sh.Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa ka jawaabay su’aalo badan oo dadweynuhu Culimada soo weydiiyeen su’aalahaan oo ahaa kuwa aad u muhiim ah waxaa dhamaan sheekhu ka jaahil saaray cidwalba oo mugdi kaga jiray. Isku soo wada duuboo waxaa habeen danbe loo balansan yahay Muxaadaradii 3aad oo halku dhigeedu yahay (Geerida Iyo Sakaraadka) waxaana soo jeedinaya Sh.C/rashiid Maxamed Ismaaciil waxaana si toos ah uga dhagyasan kartaan nadwada ka socota magaalada Garoowe si Live ah Halgan.net.

Hoos ka Dhagayso su’aalaha ay dadweynuhu soo jeediyeen oo ay culimadu ka jawaabayeen

[audio: [http://www.alminhaaj.com/minhaaj/wp-content/uploads/2015/12/Suaalihii-Dadweynaha-Iyo-Jawaabtii-ShMaxmauud-X-Yuusuf.mp3]

Halkaan ka Dhagayso MP3

Nuur Jaamac Aadan
AL-Minhaaj Puntland

Leave a comment

*

Archives
December 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online