Nin Mareykan ah oo isku soo dhiibay ciidanka DFS ee ku sugan degmada Baraawe.[Dhagayso]

December 8, 2015 - Written by Editor

mwMuqdisho:-Nin la sheegay inuu u dhashay dalka Maraykanka oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom ee ku sugan magaalada Baraawe, sida uu VOA u xaqiijiyay gudoomiyaha degmada Baraawe Xuseen Maxamed Barre.

Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in ninkan uu kasoo baxsaday dagaalka dhex maraya Al-Shabaab ee ku saleysan ka mid noqoshada kooxda Daacish ama in lagu si jiro kooxda Al-Qaacida.

Gudoomiyaha degmada Baraawe Xuseen Maxamed Barre, waxa uu sheegay in ninkan uu u sheegay in la doonayey in la dilo, sidaas darteedna uu naftiisa u cabsaday, oo uu soo cararay. Ninkan ayaa kasoo baxsaday dagaalka dhex maraya Al-Shabaab ee ku saleysan ka mid noqoshada kooxda Daacish.

Ninkan oo weli aan magaciisa la sheegin, waxaa sidoo kale laga soo xigtay in dad ay saaxiibo ahaayen oo ajaaniib ahaa ay dileen maleeshiyada koxoda Al-Shabaab. Saraakiisha ciidamada Amisom ayaa iminka baaritaan ku haya ninkan.

Wariyaha VOA Ridwaan Xaaji ayaa waraystay gudoomiyaha degmada Baraawe Xuseen Maxamed Barre, ugu horrayna waxaa uu weydiiyay in uu faahfaahiyo ninka la qabtay.

Hoos ka dhagayso muwaadinka u dhashay Mareykan ee isku Dhiibay ciidanka Dowladda Federaalka  iyo AMISOM

Source: VOA

 

Leave a comment

*

Archives
December 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online