Qarax ka dhacay jidka Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho

December 19, 2015 - Written by Editor

IMG_2621Muqdisho:-Waxaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan goob u dhexeysa Hotelka Maka Al-mukarama iyo Shaleema Soomaaliya qarax lagu soo xiray baabuur qaraxaas oo galaaftay nolosha 3 qof halka qarax ay ku dhaawacmeen ilaa 19 qof oo kale. Khasaaraha ka dhashay Qarax ayaa waxaa ugu badnaa dad rayid ah oo ku sugnaa Carwada al-Kowsar oo ku taala Jidka Makal al-Mukarama oo ah wado aad u mashquul badan.

Qarax dadka dhaawac uu ka soo gaaray ayaa waxaa ka mid ahaa guddoomiyihii hore ee Gobolka Gal-gaduud Xuseen Cali Weheliye Cirfo iyo Taliyaha saldhiga booliska ee degmada Waabari Cali Muuse iyo 4 ka mid ah ilaaladiisa.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya guddoomiyihii hore ee Gobolka Gal-gaduud Xuseen Cali Weheliye Cirfo gaarigiisa si toos ah loo bartmaamsaday ka dibna uu soo gaaray dhaawac sahlan.

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay qaraxa ka dhacay Makal al-Mukarama iyagoo sheegay in ay ku bartilmaamsadeen saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online