Ra’iisul Wasaare Cumar: “Gaalkacyo waxay halbowle u tahay nabadda iyo xasiloonida dalka.[Masawiro]

December 2, 2015 - Written by Editor

unnamed2Gaalkacyo:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar C/rashiid ayaa uga mahadceliyay dowladda Puntland iyo maamulka Galmudug sida ay ugu hogaansameen qodobada heshiiska, waxa uuna xusay in heshiiskani uu hormuud u noqdo nabad iyo isfaham dhex mara maamulada deriska ah.

“Gaalkacyo waxay halbowle u tahay nabadda iyo xasiloonida dalka, waxaana rajeynayaa in heshiiskani uu hormuud u noqdo dhameystirka is fahmi waaga jira, waxaana ku adkeynayaa hogaamiyeyaasha Puntland iyo Galmudug inay illaaliyaan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay munaasabadda.

Madaxweynaha Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali oo munaasabada ka hadlay ayaa xusay in dhankooda ay dhaqangelinayaan, isla markaana rajeynayaa in dagaal iyo dhibaato intaas looga gudbo. Sidoo kale, Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa isna dhankiisa sheegay in Galmudug ay dhankooda dhaqangelinayaan, ayna illaalinayaan qodobada heshiiska.

Ugu dambeyntiina, waxaa loo mahadceliyay Madaxweyneyaasha Koofur Galbeed iyo Jubbaland, oo iyagu maalmihii u dambeeyey ku sugnaa gobolada dhexe, si loo baajiyo dhiiga iyo colaada Gaalkacyo.

no images were found

—-DHAMMAAD

Leave a comment

*

Archives
December 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online