R/W Sharmaarke Gaas iyo Cabdikariim oo lagu soo dhaweeyey Muqdisho (Masawiro)

December 7, 2015 - Written by Editor

IMG_5563Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi balaaran oo uu hogaaaminayo oo maanta gelinkii danbe ka anba baxay magaalada Galkacyo ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee  Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo ay safarkiisa ku weheliyeen Ra’iisal Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo masuuliyiin ka tirsan Golayaasha Dawladda Puntland ayaa warbaahinta kula hadlay Magaalada muqdisho, waxayna sheegeen in safarkoodu uu la xiriiro sidii ay uga qayb geli lahaayeen shirka madasha wada tashiga qaran ee doorashada Soomaaliya 2016.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa tilmaamay in ay si nabad ah ku dhamaatay shaqaaqadii dhowaan ka dhacday magaalada Gaalkacyo, isla markaana ay ka shaqayn doonaan sidii loo adkayn lahaa nabad gelyda iyo isdhex galka bulshada magaalada Gaalkacyo.

no images were found

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kulamo gaar gaar ah caawa ku yeelanaya magaalada muqdisho, kualamadaaas oo salka ku haya xaaladaha siyaaasadeed ee dalka iyadoo maalinta beri ahna uu furmi doono shirka Madasha Wada Tashiga Qaran ee Doorashada Soomaaliya 2016

–DHAMAAD–

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Leave a comment

*

Archives
December 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online