Saraakiisha ciidanka Jubbaland oo sheegay in ay deegaanno hore leh ay dagaal ku qabsadeen

December 23, 2015 - Written by Editor

KismaayoKismaayo:-Ciidamada Maamulka Jubbaland oo kaashanaya ciidanka AMISOM ayaa saaka waxaa ay la wareegeen degaanno ku yaala galbeedka magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka jubada hoose. Saraakiil ka tirsan ciidanka Jubbaland oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in dagaal ay la galeen ciidamo ka tirsan Al-shabaab ay kala wareegeen dhowr tuulo oo ay mid yihiin Beerxaani, Qudus iyo Cabdi Dhoore.

Dagaalka u dhexeeyey ciidanka Jubbaland oo ay taageerayaan kuwa AMISOM iyo ciidanka Al-shabaab ayaa waxaa ka dhashay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac walow aan ilaa hadda wax faahfaahi rasmi ah aan laga hayn marka laga reebo guulaha ay Saarkiisha ciidanka Jubbaland ka sheegteen dagaalkii saaka.

Madaxda maamul gobolleedka Jubbaland ayaa dhowr mar waxaa ay saxaafadda ka sheegeen in ay qaadi doonaa dagaalo ay doonayaan in ay kula wareegayaan goobaha iyo deegaanada ay weli gacanta ku hayaan ciidanka Al-shabaab ee ku yaal gobolka Jubbada Hoose,  Dhanka kale maalmihii la soo dhaafay ayaa ciidamo sheegtay in ay raacsan yihin ururka Daaicsh ee ka dagaalaa Ciraaqa iyo Syria waxaa ay sheegteen in ay qabsadeen deegaano dhowr ah oo ku yaal gobolka Jubada Hoose.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online