Shir looga hadlayo doorashada 2016 oo dhexmaray dowladda Puntland iyo Ururada Bulshada Rayidka ah.[Dhagayso]

December 28, 2015 - Written by Editor

IMG_1399Garoowe:-Waxaa maanta ka dhacay magaalada Garoowe kulan wada tash ah oo ay iskugu yimaadeen Madaxda dowladda Puntand , siyaasiyiin , Aqoon yahano iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka waxaan kulankaan uu ahaa kala xog waraysi iyo in wada tashi laga sameeyo qaabka  ugu fiican oo ay noqon karto doorashada 2016.

Madaxda dowladda Puntland ayaa waxaa ay warbixino kale duwan ay siiyey marti sharafkii lagu casumay kulanka ka dibna waxaa la guda galay dood dheer waxaan la isku raacay in Puntland ay sii wado siddii dalka Soomaaliya ay dowladda rasmi ah oo awood leh uga dhalan lahayd.

Kulana maanta ka dhacay Garoowe ayaa waxaa uu daba joogaa kulamo dhowr ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho oo madaxda Soomaalidu ay uga doodayeen qaabka ay noqo nayso doorashada 2016 oo is jiid jiid badan iyo is afragad la’aan ku soo dhamaaday walow 10 bisha Janaayo mar kale lagu balamay magaalad Ksmaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoos.

Markii kulanku uu soo dhamaaday ayaa wasiirka wasaaradda deegaanka Cali Cabdullaahi Warsame waxaa uu saxaafadda u sheegay in kulanku uu ka soo baxay aragtid shacabka oo ahaa in laga gudbo 4.5 iyna muhiim tahay indoorashada 2016 lagu soo doorto xildhibaanada qaab deegaan iyo Gobolo.

Hoos ka Dhagayso wasiirka wasaaradda deegaanka Cali Cabdullaahi Warsame

[audio: http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/Wasiirka-Degaanka-Puntland.mp3]

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online