Shirka madasha wada-tashiga heerka Qaran oo ka socda Muqdisho (Daawo Live)

December 13, 2015 - Written by Editor

madasha-wada-tashiShirka madasha wada-tashiga heerka Qaran ee looga arrinsanayo doorashada sanadka 2016 ayaa si rasmi ah waxaa uu uga ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka madasha wada-tashiga heerka Qaran ayaa oo socon doona muddo labo maalmood ah waxaa ka qeyb-galaya madaxda dowladda federaalkaSoomaaliya , kuwa maamul goboleedyada, bulshada rayidka ah iyo wakiilo ka kala socda beesha caalamka,

Shirka ayaa intuu socday waxaa laga jeediyey khudbooyin kala duwan waxaana shirka shir gudoominayey madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxamuud.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shir guddoominaya shirka ayaa sheegay in saddexdii maalmood ee la soo dhaafay kulamo wada tashi u socday Madaxda dowladda iyo Madaxda maamul goboleedyada uuna rajo ka muujiyey in is afgarad laga gaaro shirka .

Madaxweynaha DFS ayaa yiri “Anagoo ka ambaqaadeyno wada tashigaas saddexda berri u socday madasha hogaamiyeyaasha, aad iyo aad ayaa u lafa gurnay shacabka talooyinka ay soo jeeidyeen, muhiimada ay leedahay waa sidii loo qaabeeyn lahaa siyaasad qaran oo dalka ku shaqeysa looga dhigi lahaa, wali dooda waa socotaa, wax badan noo dhiman, wax badan waa soo marnay, waxaa rabaa in la muujiyo dulqaad, ma rajo xumi, waxaa rajeyneynaa in guur iyo is af garad inoogu dhamaado”.

Raisulwasaaraha DFS Cumar C/rashiid ayaa sidoo kale ka hadlay shirka waxaana uu ugu baaqay dhamaan madaxda ka soo qeyb gashay shirka in ay isku tanaasulaan.

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa sheegay in dowladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobey iyo Golaha Ammaanka aysan marnaba raali ka aheyn inuu dhaco waqti kororsi, isla markaana loo baahan yahay in doorasho xalaala ah ay ka dhacdo dalka 2016 ka.

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynaha Jubaland ayaa soo jeediyey in doorashada lagu saleeyo qaab deegaan ee aan dib loogu noqon 4.5 .

Hoos Live uga Daawo shirka madasha wada-tashiga heerka Qaran ee ka socda Muqdisho

Leave a comment

*

Archives
December 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online