Shirka Madasha wada tashiga Qaran ee ka socday Muqdisho oo la filayo in la soo gabagabeeyo

December 16, 2015 - Written by Editor

shirosMuqdisho:-Waxaa maanta la filayaa in markale la isugu yimaado shirka madasha wada tashiga Qaran xili saacadihii la soo dhaafay ay magaalada Muqdisho ay ka dhaceen kulamo goono gooni ah oo u socday Madaxda dowadda Federaalka iyo maamulda dalka ka jira si la iskugu soo dhaweeyo aragtiyadda kale duwan oo ay kala qabaan madaxda shirka uu u socdo.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in Shirka Madasha wadatashiga Qaran ee ka socda magaalada Muqdisho ay aragtiyadu isku soo dhawaadeen walow saacad kasta la fili karo khilaaf hor leh balse waxaa la qiyaasayaa in maanta si rasmi ah loo shaaciyo warmurtiyeed ka soo baxa Shirka Madasha wadatashiga Qaran oo dhowr maalmood ka socday Muqdisho.

Warar hordhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxweynaha dowladda Puntland iyo Jubaland , Koonfur Galbeed iyo Gal-Mudug ay codsadeen in mar kale loo balamo shir kale madaxdana ay wada tashiyo dheeraad ah la soo sameeyaan gobollada ay ka yimaadeen maadaama la isku afgaranwaayey in hal nidaam lagu hishiiyo walow weli beesha caalamka ay madaxda Somaalida ay ku cadaadinayaan in ay hal qaab ay isku raacaan lama yaqaan in go’aankaas la isku raaci doono. iyo in kale.

Lama yaqaan ilaa hadda in saacaddaaha soo socda qaabka ay isku afgaran doonaa balse waxaa la qiyaasayaa in madaxda Soomaalidu ay san waxba gacanta ugu jirin oo xubnaha beesha caalamka ee taageera ama u soo shaqo tegay Soomaaliya ay go’aanka ay saameyn weyn ku leeyihiin.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online