Shirka Madasha Wadatashiga qaranka Oo La Isku Mari La’ Yahay (Dhageyso)

December 15, 2015 - Written by Editor

gaasm7Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa weli ka socda shirkii Madasha Wadatashiga qaran, oo ay xubno ka yihiin madaxda sare ee dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada.

Shirka oo looga doodayo sidii lagu go’aamin lahaa nooca doorasho ee Soomaaliya ay qaadaneyso ayaa la isku mari la’ yahay, ayada oo la isku hayo in hab beeleed ama hab deegaan lagu xulo xildhibaanada 2016 .

Cabdulaahi Maxmaed Shirwac waxa uu ka mid yahay dadka u dhaq dhaqaaqa bulshada rayidka, waana guddoomiyaha bulshada rayidka ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Cabdullaahi Shirwac oo waraysi siiyay VOA-da ayaa ka hadlay caqabadaha ku hor gudboon shirka Madasha Wadatashiga. Shirwac waxa uu sheegay in markii horeba dadka laga qayb geliyay talada 2016 ay ahaayeen dad ay maamullada soo xuleen oo fikirka maamul gobleedyada ku shaqeynayey.

Cabdullaahi Shirwac waxa uu sheegay in labada qodob ee la isku hayo ay siyaasiyiinta ku dabaqayaan danahooda siyaasadeed.

Weriyaha VOA ee Muqdisho Cabdulqaadir OK, ayaa wareystay Shirwac.

VOA Somalia

Leave a comment

*

Archives
December 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online