Taliye cusub oo loo magacaabay Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso

December 16, 2015 - Written by Editor

taliye AdanBoosaaso:-Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Puntland Col.C/risaaq Afguduud ayaa waxaa uu saaka u magacaabay Taliyaha ciidanka ilaalada garoonka diyaaradaha ee Boosaaso waxaana uu xilkaas u magacaabay Gaashaanle Aadan Muuse Jaamac magacaabista Taliyaha cusub ee Garoonka Boosaaso ayaa yimid ka dib markii askari ka tirsanaa ciidanka ilaalada Garoonka diyaaradaha Boosaaso uu dilay Allaha u naxariistee Taliyihii hore ee Garoonka diyaaradaha Boosaaso Xassan Shire Amaan.

Askarigii dilay Allaha u naxariistee Taliyihii hore ee garoonka diyaaradaha Boosaaso Xassan Shire Amaan ayaa baxsaday balse Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Puntland Col.C/risaaq Afguduud ayaa amray in la xiro ilaaladii Garoonka Boosaaso oo hadda ay ku socoto baaritaan.

Talyaha cusub ee loo magacaabay garoonka diyaaradaha ee Boosaaso Gaashaanle Aadan Muuse Jaamac ayaa ah nin dhalinyaro oo firfircoon waxaan la filayaa in shaqo fiican uu ka qaban doono garoonka Boosaso oo dhismihiisa la soo gabagabayn doono maalmaha soo socda.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online