Taliyihii garoonka diyaaradaha ee Bosaaso Gaashaanle sare Xasan Shire oo la dilay

December 7, 2015 - Written by Editor

shireBoosaaso:-Waxaa saaka lagu dilay Allaha u naxariistee garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaaso Taliyihii garoonka diyaaradaha ee Bosaaso Gaashaanle sare Xasan Shire Amaan waxaan dilkaas geystay mid ka mid ah askari horay uga tirsanaa Ilaalada  Garoonka diyaaradaha ee Boosaso oo la ruqseeyey.

Taliyihii garoonka diyaaradaha ee Bosaaso Gaashaanle sare Xassan Shire Amaan ayaa xilkaan hayey laga soo bilaabo markii la aasaasay dowladda Puntland ee uu madaxwaynaha ka noqday madaxwaynihii hore Soomaaliya Col.Cabdulaahi Yuusuf Axmed.

Warar ka soo baxay dilka Taliyihii garoonka diyaaradaha ee Bosaaso Gaashaanle sare Xasan Shire Amaan ayaa sheegay in askarigii horay uga ka tirsan ciidanka ilaalada Garoonka Boosaso ee dilka geystay uu baxsaday ilaa haddana aan gacanta lagu dhigin uua soo galay magaalada Boosaaso.

Ciidanka amaanka garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ee xarunta Goboka Bari ayaa ku guuldaraystay qabashada askarigii dilay Taliyihii garoonka diyaaradaha ee Bosaaso Gaashaanle sare Xasan Shire Amaan xil uu ku sugnaa irida hore ee Garoonka Boosaaso.

Dhinac kale Taliyaha ciidanka booliska gobolka Bari Gaashaanle sare Cabdixakiin Xuseen Yuusuf oo la hadlay saxaafadda ayaa xaqiijiyey dilka taliyihii ciidanka ilaalada garoonka Bosaaso Gaashaanle sare Xasan Shirre Amaan. Taliyaha ciidanka booliska gobolka Bari Gaashaanle sare Cabdixakiin Xuseen ayaa sheegay in ciidanku ay ku raad joogaan askarigi dilka geystay oo ay aqoonsadeen ayna samayn doonaa baaritaan deg deg ah.

M_M_Deeq
Boosaso

Leave a comment

*

Archives
December 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online