Wasiir Difaaca iyo Taliyaha Ciidanka X.D.S oo Muqdisho kula kulmay Abbandulaha Guud ee Ciidamadda Gaashaandhigga Talyaaniga[Masawiro]

December 23, 2015 - Written by Editor
4Q2A9945Muqdisho:-Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini oo weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya S/Gaas Maxamed Aaden Axmed, taliyeyaasha Ciidamadda Cirka iyo Badda, ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay Abbandulaha Guud ee Ciidamadda Gaashaan dhigga Talyaaniga Sareeye Guud Claudio Graziano oo booqasho hal cisho ah ku yimid magaalada  caasimadda ah ee Muqdisho.

Kulamada Wasaaradda Gaashaandhigga uu la qaatay Taliyuhu kahor , R/Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo R/Wasaare ku xigeen Mudane Maxamed Cumar Carte ayay kulan sharafeed la qaateen, wuxuna sheegay Ra’iisul Wasaaruhu in Soomaaliya ay ka filaneyso dowladda Talyaaniga kaalin balaaran oo wax ku ool u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, oo kulan albaabadu u xiran yihiin la qaatay Wafdiga ayaa xusay in booqashadani ay sii xoojin doonto taageerada  dawladda Talyaanigu ay siiso Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed. Kulankani ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay xiriirka laba geesoodka , kobcinta iskaashiga labada dal u dhaxeeya , taageeridda Ciidamadda Xoogga dalka,  la dagaalanka argagaxisada iyo qodobo kale.

“Maanta waxaa nagu soo booqday magaalada Muqdisho Abbandulaha Guud ee Ciidamadda Gaashaandhigga Talyaaniga Sareeye Guud Claudio Graziano oo booqasho hal cisho ah noogu yimid. Waxaa dalka Talyaaniga nagala dhexeeya iskaashi iyo xiriir qoto dheer. Waxaan uga mahad celinayaa sida wanaagsan oo ay mar walba noogu garab taagan yihiin dadaalka aan ugu jirno xasilinta iyo nabadeeynta Soomaliya. Waxaan sidoo kale uga mahad celinaynaa sida wanaagsan oo ay uga qeyb qaateen dhismaha ciidanka Xoogga dalka. Waxaa lagama maarmaan ah in mar walba uu hadafkeenu ahaado inaan sii xoojinno xiriirka labada dal maadaama aan nahay labo dal oo saaxiib ah oo aan kala maarmin” ayuu yiri Wasiir Diini.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/Guuto Maxamed Aaden Axmed, ayaa sheegay in dhowrkii bilood ee la soo dhaafay guulo laga gaaray dhismaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, iyadoo hadda deegaano badan oo horey kooxaha nabada diidan ugu sugnaayeen ay ka xoreeyeen dibna loogu soo celiyeen noloshii, taas oo ka dhigan in Ciidamaddu ay u heelan yihiin difaaca dalkooda, loona baahan yahay in la siiyo taageero dhamaystiran. Wuxuna mahadcelin u jeediyey dawladda Talyaaniga taageerada ay siiyaan ciidanka Xoogga dalka.

Abbandulaha Guud ee Ciidamadda Gaashaandhigga Talyaaniga Sareeye Guud Claudio Graziano ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu soo booqdo Muqdisho, wuxuuna sheegay in imaashiyihiisa ay ka dambeesay ka dib iskaashi ballaaran oo dhex marey labada dawladood gaar ahaan Wasaaradaha Difaaca ee Talyaaniga iyo Soomaaliya.

no images were found

—DHAMMAAD—

Wasaaradda Gaashaandhigga

Mugadisho, Somali

Leave a comment

*

Archives
December 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online