Wasiir Diini oo ka hadlay Rasaas ay ciidanka AMISOM ku Fureen Kaluumeysato.[Masawiro]

December 15, 2015 - Written by Editor

1Muqdisho:-Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini oo weheliyo Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliyeed Admiral Madey Nuurey Sheekh Ufurow ayaa galabta ku booqday xeebta Liido dhalinyaro Soomaaliyeed oo ay rasaas ku fureen Ciidanka Midowga Africa ee AMISOM, kadib markii ay ku soo dhawaadeen xeebta garoonka.

Wasiirka ayaa kormeer ku sameeyey saddex doomood oo ay leeyihiin Kaluumeysatada kuwaas oo ka muuqdeen rasaas, wuxuna sheegay Wasiirku in guddi baaritaan ku sameeya loo saaray. Isagoo dhinaca kale uga digay Kaluumeysatada Soomaaliyeed in ay xiliyada habeenkii ah ku dhawaadaan garoonka iyo Dekadda Muqdisho kuwaasi oo dhibaato ka soo gaari karto.

“Waxaan u saarnay dhacdadan guddi baaritaan ku sameeya qaabka ay wax u dhaceen iyo khasaaraha soo gaaray kalumeysatada. Waxaan uga digeynaa Kaluumeysatada ka shaqaysa Muqdisho in ay u dhawaadaan goobaha ay Ciidamaddu dagan yihiin sida Garoonka iyo Dekadda ” ayuu yiri Wasiir Diini.

Wasiir Diini ayaa tilmaamay in laga doonayo cid walba oo kaluumeysi u aadeysa xiliyada habeenkii ah Xeebaha Muqdisho in ay wargeliyaan Ciidamadda Badda iyo Boolis si loola socdo haddii ay la kulmaan khatar dhinaca ammaanka ah si gurmadna loogu fidyo.

no images were found

—–DHAMMAAD—-

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
December 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online